Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo diblumaasiyadeed oo degdeg ah kula yeeshay khadka taleefoonka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD Mudane Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya ahna hoggaamiyaha Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) Mudane William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda Mudane Yoweri Museveni.
Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xadgudubka sharci-darrada ah ee Ra’iisul Wasaaraha Yuhuuddu uu kula kacay madax-bannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo halis ku ah xasilloonida iyo amniga Gobolka, kana soo horjeedda xeerarka iyo shuruucda caalamiga ah.
Hoggaamiyeyaasha Gobolka ee uu Madaxweynaha la hadlay ayaa si adag oo mideysan u caddeeyey garab-istaaggooda buuxa ee gobannimada, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, iyagoo adkeeyey in aqoonsi kasta oo ka dhan ah dhul ka tirsan dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay uu yahay xadgudub cad oo ka soo horjeeda Axdiga Qaramada Midoobay, mabda’a Midowga Afrika ee midnimada dhuleed iyo qawaaniinta hagaya xiriirka dowladaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa sii wada wada-tashiyada oo uu la yeelanayo Madaxda Caalamka, si loo xoojiyo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ee ku aaddan dhammaan dariiqyada sharciga, diblumaasiyadeed iyo siyaasadeed ee caalamiga ah, ee difaaca midnimada iyo madax-bannaanida iyo qarannimada.
Xalay wuxuu sidoo kale la hadlay xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta iyo Madaxweyne Farmaajo, isaga oo si gaar ah ugala hadlay sidii loo qaadan lahaa mowqif mideysan oo qaran kuna aadan go’aanka qaraar ee kasoo baxay Israel, maadaama uu halis ku yahay midnimada dalka.
Ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow wada-hadalka dhacay ayaa innoo xaqiijiyay in Madaxweynaha uu sidoo kale xubnaha mucaaradka ku casuumay xarunta Madaxtooyada, si ay u yeeshaan wada-hadallo toos ah oo ku aadan xaaladda soo korortay.
Falcelin xooggan iyo diidmo adag ayaa ka dhalatay go’aanka ay Israel ku aqoonsatay Somaliland, kaas oo shalay ay ku dhawaaqeen labada dhinac oo wada saxiixay heshiis muddo dheer usoo socday.



