Muqdisho (Caasimada Online) — Midowga Yurub ayaa Sabtidii dib u xaqiijiyay taageerada uu u hayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay gobolka Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.
Qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ixtiraamka “midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed” ee Soomaaliya ay lagama maarmaan u yihiin nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, iyagoo tixraacaya Dastuurka Soomaaliya iyo axdiyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale dhiirrigeliyay “wadahadal micno leh” oo dhexmara Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xalliyo “khilaafaadka muddada dheer soo jiray.”
Aqoonsiga Israa’iil ee 26-kii Disembar — oo noqday kii ugu horreeyay ee uu sameeyo dal xubin ka ah Qaramada Midoobay — ayaa dhaliyay cambaareyn degdeg ah oo uga timid Soomaaliya, taas oo tallaabadaas ku tilmaantay sharci-darro iyo waxba kama jiraan, waxayna wacad ku martay inay kula dagaallami doonto waddooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci ah.
Falcelinta arrintan ayaa si degdeg ah ugu fiday ururada gobolka iyo caasimadaha muhiimka ah. Midowga Afrika ayaa si cad u diiday aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, isagoo ka digay in tani ay noqon karto raad cusub oo xasillooni darro gelin kara nidaamka xuduudaha qaaradda.
Falcelinta Carabta iyo Khaliijka ayaa iyana noqotay mid adag. Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa. Si xooggan u diiday go’aanka Israa’iil, iyagoo ku biiray dhinacyada kale ee gobolka ee taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Bayaanka Midowga Yurub ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso inay maqaam sare ku yeelato Qaramada Midoobay horraanta bisha Janaayo, marka ay la wareegto madaxtinimada wareegta ee Golaha Ammaanka muddo bil ah.
Doorkan ayaa Muqdisho siinaya awood dhanka hab-raaca ah oo ay ku saameyn karto ajendayaasha iyo kulamada Golaha, xilli muranka Somaliland uu u wareegayo masraxa caalamiga ah.
Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, isla markaana samaysatay hay’ado dowladeed iyo ciidamo u gaar ah, ayaa muddo dheer raadinaysay aqoonsi caalami ah, balse waxay ku jirtay xaalad hubanti la’aan ah dhanka diblomaasiyadda.
Go’aanka Israa’iil ayaa Hargeysa looga dabaal-degay inuu yahay guul weyn oo waddada u furi karta sharciyad ballaaran iyo maalgashi shisheeye, inkastoo iska-caabbinta gobolka ay weli xooggan tahay.

