Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland iyo shacabkeeda ayaa maanta si weyn ugu dabaal-degay aqoonsiga ay ka heleen Israa’iil oo Jimcihii ku dhawaaqday in dal madax banaan ay u aqoonsatay Somaliland.
Munaasabadda dabaal-degga aqoonsiga Somaliland oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo isagoo sida calanka Somaliland salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee maamulkaasi.
Sidoo kale, waxaa magaalooyinka waa wayn ee Somaliland maanta lagu qabtay dibad-baxyo ay ka qayb-galeen shacabka iyo mas’uuliyiinta deegaanka, looguna dabaal-dagayay aqoonsiga Israa’iil ay ka heshay Somaliland.
Dibad-baxyada ayaa ka dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Hargeysa iyo Burco, waxaana ka qayb-galay boqolaal shacab ah oo ku faraxsanaa aqoonsiga Israa’iil.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo fagaare kula hadlay shacabka aya si weyn ugu mahadceliyay, wuxuuna sidoo kale ugu hambalyeeyay ‘guusha ictiraafka’ ee ay muddada dheer raadinayeen.
“Waxaan doonayaa dadkeenna iyo dunidana inaan u sheego imaanshiyaha iyo aqoonsiga Israel inaanu ahayn mid fidno abuuraya inaanu ahayn mid colaad keenaya, Soomaali kale dhibaato uma gaysanyo, Carab dhibaato uma gaysanayo halkaana waa nabad” ayuu yiri Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.
Sidoo kale, Khadar Xuseen Cabdi aya farriin u diray dowladda federaalka, wuxuuna ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha Somaliland, gaar ahaan aqoonsigooda.
“Soomaaliya maanta hal fariin ayaan doonayaa inaan halkan uga diro walaalayaalow wax badan oo xun ayaa sameyseen 30 sanadood ayaa xaqoodii hortaagneedeen wax kasta oo cunaqabateyn ah ayaa ku sameyseen war maanta fakara oo taariikh cusub fura” ayuu mar kae yiri Wasiirku
Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegtay ingo’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.


