Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo ka tirsanaa Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is-casilay, sababo la xiriira aqoonsiga ay Somaliland ka heshay xukuumadda Israa’iil.
Dubbe oo qoraal soo saaray ayaa ku xaqiijiyay is-casilaaddiisa, wuxuuna si jees jees ah ku sheegay inuu ka laabtay qaddiyada midnimada ee uu halkan u joogay.
Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray inuu ku laabanayo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, oo uu hadda ka socdo dabaal-degga aqoonsiga Israa’iil.
“Saddex sanadood baan Baarlamaanka iyo dariiqyada Xamar la’ taagnaa war dadka Reer Somaliland dhibta ka daaya! Kursigaagii miyaad ka samirtay baa la iigu jawaabi jirey! Kursiga in uu ka mihiimsan yahay damiirku ayaan maanta u sheegay Xamar ragga xukuma. Aniga oo kursigii fadhiya ayaanan maanta iska casilay sidii ay adeeraday hore u sameeyeen 1980. War nimanyahow kala quusanaye qoomamo la’aada” ayuu ku yiri is-casilaaddiisa.
Dubbe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka, wuxuuna horay usoo noqday Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, xilligii Madaxweyne Farmaajo, waxaana go’aankiisa si wayn uga falceliyay dadweynaha.
Abshir Cali Caad: “Siyaasiyiinta kasoo jeeda waqooyi, gaar ahaana beesha dhexe gabigood kuma jiro mid aaminsan in Somalia midowdo”.
Maxamed Daahir Cabdi: “Awalba calooshiis u shaqaysto lee uu ahaa hadda meesha lacag badan looga sheegay oo uu aaday”.
Mowliid Bayow: “Ragan markii horaba shaqo tag bay aheyn midkoodana daacad kama aheyn raadinta midnimada.
Si kastaba, ha’ahaatee waxaa horay sidaan oo kale Hargeysa ugu laabtay mas’uuliyiin ka tegay Xamar, waxaana ugu dambeeyay wasiirkii hore ee maaliyadda, Cabdiraxmaan Bayle oo hadda la shaqeeya Madaxweyne Cirro.

