25.9 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Ururka Jaamacadda Carabta oo qaadacay aqoonsiga Israel ee Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Ururka Jaamacadda Carabta oo shir degdeg ah yeeshay ayaa gebi ahaanba qaadacay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Ururka ayaa aqoonsiga Israa’iil ku tilmaamay fal sharci daro oo ka dhana madax-banaanida iyo jiritaanka dhuleed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa xaqiijiyay inay si buuxda u garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ururka horay ayuu u cambaareeyay balse waxaa ku cusbaa in Dowladda Imaaraadka Carabta ay goobta ka sheegtay inay ilaalinayso madax-banaanida Soomaaliya kana soo horjeedo qorshaha Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland.

Imaaraadka ayaa si dhow loola xiriirinayay dhawaaqa kasoo yeeray Israa’iil, taas oo haatan cambaareynta kasoo baxday ay iskaga fogeynayso eedeymahaasi oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn loogu jeedinayay.

Aqoonsiga Israa’iil ee 26-kii December oo noqday kii ugu horreeyay ee uu sameeyo dal xubin ka ah Qaramada Midoobay, ayaa dhaliyay cambaareyn degdeg ah oo uga timid Soomaaliya, taas oo tallaabadaas ku tilmaantay sharci-darro iyo waxba kama jiraan, waxayna wacad ku martay inay kula dagaallami doonto waddooyin diblomaasiyadeed iyo kuwo sharci ah.

Falcelinta arrintan ayaa si degdeg ah ugu fiday ururada gobolka iyo caasimadaha muhiimka ah. Midowga Afrika ayaa si cad u diiday aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland, isagoo ka digay in tani ay noqon karto raad cusub oo xasillooni darro gelin kara nidaamka xuduudaha qaaradda.

Falcelinta Carabta iyo Khaliijka ayaa iyana noqotay mid adag. Sacuudi Carabiya iyo Qatar ayaa si xooggan u diiday go’aanka Israa’iil, iyagoo ku biiray dhinacyada kale ee gobolka ee taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa isna qeyb ka noqday cambaareysta xad-gudubka Israa’iil. Si kastaba, Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii, isla markaana samaysatay hay’ado dowladeed iyo ciidamo u gaar ah, ayaa muddo dheer raadinaysay aqoonsi caalami ah, balse waxay ku jirtay xaalad hubanti la’aan ah dhanka diblomaasiyadda.

Go’aanka Israa’iil ayaa Hargeysa looga dabaal-degay inuu yahay guul weyn oo waddada u furi karta sharciyad ballaaran iyo maalgashi shisheeye, inkastoo iska-caabbinta gobolka ay weli xooggan tahay.

- Advertisement -

Read more

Local News