27.8 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Maxaa kasoo baxay kulankii uu Xasan la yeeshay madax goboleedyada? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku guda jira wada-tashiyo Qaran ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada kulan xasaasi ah kula yeeshay qaar kamid Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlay xaaladda soo korortay.

Shirkan ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, waxaana ka qayb-galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada kala ah Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Waqooyi Bare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Intii uu socday shirka, Madaxweynaha ayaa hoggaamiyeyaasha maamullada la wadaagay qorshaha dowladdiisa ee ku aaddan ka hortagga xadgudubka ka dhanka ah dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ku kacay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dowladda oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed ay dadaal xooggan galisay ilaalinta qarannimadda iyo midnimada dalka, iyada oo u maraysa xeerarka caalamiga ah, waxa uuna sii adkeeyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo ka hortagga damaca gurracan ee wiiqaya jiritaankeenna.

Dhankooda Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle, Waqooyi Bari iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa adkeeyay in ay muhiim tahay in loo istaago difaaca dalka, si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna ka digayaan cawaaqibka aan la mahdin iyo culeyska amni ee tallaabadaasi u horseedi karta Gobolka, iyagoo caddeeyay sida ay ugu garab taagan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda dadaalada diblomaasiyadeed ee gudaha iyo dibedda uu ka wado.

Maamulladan ayaa horay u caddeeyay mowqifkooda, waxayna si cad u cambaareeyeen aqoonsiga Israel ee Somaliland, kaas oo abuuray xiisad diblumaasiyadeed oo si wayn looga dareemay gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Dhanka kale, waxaa kulankan muhiimka ah ka baaqday Jubbaland iyo Puntland oo uu weli khilaaf culus kala dhexeeyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo ilaa hadda aan marna ka hadal xadgudubka ay Israel u gaysatay madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan wada kulamo wadatashi ah oo ballaaran, wuxuuna isla xalay qaabilay mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta dalka ku metala Somaliland, isaga oo ka dhageystay tallooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ku aadan, hannaanka loo wajahayo, ka hortagga fara-galinta shisheeye iyo ilaalinta midnimada dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News