Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir hore, haddane ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa ka digay halis wayn oo ka dhalan karta tallaabada ay qaaday Israa’iil oo Jimcihii ku dhawaaqday inay aqoonsatay maamulka Somaliland ee ka arrimiya Gobollada Waqooyi ee dalka.
Dr Cilmi ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka ugu wayn ee Israa’iil uu yahay inay saldhig ka dhigato Somaliland, ayna kala dagaalanto wadamada ay is hayaan, gaar ahaan kuwa bariga dhexe oo ay ugu horreyso Iran iyo Xuutiyiinta Yemen.
“Horta waxaa muhiim ah inaan fahano khataraha meesha ka jiro Israa’iil waxaan is leeyahay in naxariis Somaliland iyo shacabka halkaa deggan u qabto uguma ay soo deg-degin hadda, laakiin istaraatiijiyaddeeda difaac ee bariga dhexe inay isku baahiso ayaa keenay inay hesho meel u nugul oo kamid ah dalkeenii” ayuu yiri Xildhibaan, Dr Cilmi Maxamuud Nuur.
Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in arrintan ay keeneyso halis ay wajahayaan dadka Soomaaliyeed ee deggan Gobollada Waqooyi, maadaama lagu kor dagaalami karo, ama loo soo weecin karo duqeymaha lagu beegsado Israa’iil.
“Waxaa ka dhalaya meeshaas haddii ay bees noqoto, ayna noqoto meel laga weeraro caalamka cidda rogaal celinta lagu soo celinayo oo lala dagaalamayo waxayn noqonayaan dadka Somaliland, waxayna isku beddaleysaa goob dagaal”
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “In marka Xuutiyiinta lagala dagaalamo ama Iran lagala dagaalamo, iyaguna ay soo rogaal celinyaan cidda meesha ku baaba’eyso waa ummaddaa Soomaaliyeed”.
Shalay sidaan oo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga digay qorshe halis ah oo ay Israa’iil ka damacsan tahay heshiiska ay la gashay Somaliland ee soo dadajiyay aqoonsiga, wuxuuna sheegay ujeedkeeda ugu wayn uu yahay in ay saldhigyo ku yeelato Geeska Afrika, si ay u maamusho dhaq-dhaqaaqa Badda iyo marin biyoodka Baabul Mandab.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Netanyahu iyo xukuumaddiisa ay doonayaan inay isku ballaariyaan dhulka istaraatiijiga ah ee Waqooyi Galbeed Soomaaliya, balse tilaabadaas aysan marnaba aqbali doonin Soomaaliya.
Si kastaba, Xukuumadda Dan-Qaran ayaa horay u caddeysay mowqifkeeda, waxaana ay si rasmi ah u sheegtay in go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolka Somaliland uu yahay mid sharci-darro ah, aan waxba ka jirin, kana hor imanaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

