Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya loollan xooggan oo u dhexeeya Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo salka ku haya deegaanka taariikhiga ah ee Laasqoray.
Dowladda Turkiga oo saaxiib dhow la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddo dheer qorsheynaysay in ay Laasqoray ka sameyso saldhig milatari iyo deked si toos ah ugu xiran Badda Cas.
Turkiga ayaa kadib heshiiska Israa’iil ee Somaliland, haatan dardar-gelinaya qorshahan iyo inuu heshiis rasmi ah la gaaro Soomaaliya, si uu u hirgalo mashruucan.
Deegaankan oo ah mid muhiim ah ayaa haatan hoos taga maamulka cusub ee Waqooyi Bari, halka Puntland ay ku doodeyso inuu ka tirsan yahay maamulkeeda.
Qorshahan ayaa sidoo kale waxaa si adag uga horyimid Imaaraadka Carabta, oo kasoo horjeeda in Laasqoray laga dhiso deked cusub. Imaaraadka ayaa muddooyinkii dambe Puntland ku cadaadinayay gacan-ku-haynta deegaankaas, taas oo keentay in maamulka u diro halkaasi ciidamadauu maalgeliyo Imaaraadka ee loo yaqaanno PMPF iyo kuwo kale.
Ciidamada Puntland ayaa saldhig cusub ka sameystay magaaladaasi, iyadoo maamulka Puntland uu ku andacoonayo in halkaasi laga abaabuli doono howl-gallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha la midka ah.
Saldhigga Laasqoray ayaa lagu wadaa inuu noqdo saldhigga labaad ee ugu weyn ee ay leeyihiin ciidamada gaarka ah ee PMPF, marka laga yimaado kan Boosaaso. Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa doonaysa in magaaladan si toos ah loo hoos geeyo maamulka Deni.
Qorshahan ayaa salka ku haya sidii looga hortagi lahaa in degmada Laasqoray laga dhiso deked uu yeesho maamulka cusub ee lagu dhisay Laascaanood, taas oo gacan-ku-haynteeda iyo hirgelinteeduba leeyahay Turkiga.
Si kastaba, Imaaraadka ayaa si weyn uga walaacsan qorshaha Turkiga ee Laasqoray. Sababta Imaaraadku ay cabsi badan uga qabaan in Laasqoray deked cusub laga dhiso waa inay cuuryaamin karto maalgashigooda dekadaha Berbera iyo Boosaaso.

