Addis Ababa (Caasimada Online) – Mar kasta oo ay adkaato xaaladdu Geeska Afrika, waddanka ugu weyn gobolka oo ah Itoobiya waxa uu inta badan door bidaa aamusnaanta.
Dhawaan, Israa’iil oo ah waddan ku yaalla Bariga Dhexe oo leh awood millatari oo ballaadhan islamarkaana ah xulafo dhow oo Maraykanka ah ayaa aqoonsi siiyay Somaliland..
Israa’iil waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, oo ay Soomaaliya u aragto qayb ka mid ah dalkeeda.
Dalal iyo ururro caalami ah oo kala duwan ayaa si adag uga hor yimid oo cambaareeyay go’aanka Israa’iil.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in arrintani ay halis iyo walaac ku tahay Geeska Afrika.
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa ku tilmaamay go’aankaas mid “taariikhi ah.”
Maxay Itoobiya u aamusan tahay?
Iyadoo dalalka dariska iyo kuwa fogba ay bilaabeen in ay muujiyaan mowqifyadooda ayaa ku aaddan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland ayaa dawladda Itoobiya aanay weli si rasmi ah u caddayn mowqifka ay arrintan ka taagan tahay.
Ma aha oo keliya dawladda, balse sidoo kale warbaahinta ay dawladdu maamusho ee dalkaasi ayaa lagu soo warramayaa inay ka gaabsatay tebinta arrintan.
Itoobiya waxay Somaliland la gaadhay heshiis marin-badeed oo la saxiixay laba sano ka hor, kaas oo weli aan si buuxda loo hirgelin.
Khabiir ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, Dr. Nagaaraa Guddataa, ayaa aaminsan in aamusnaantu ay lafteedu tahay jawaab.
“Anigu waxaan rumaysanahay in tani ay tahay muujinta mowqifkeeda,” ayuu yidhi, isagoo ku tilmaamay aamusnaanta mid xambaarsan macne wanaagsan.
“Maaddaama ay tahay arrin cusub, waxaa aad muhiim u ah in la aamusnaado si loo fahmo jihada ay wax u soconayaan,” ayuu sii raaciyay.
Wuxuu sidoo kale sheegay in mowqifka Itoobiya ee hadda jira aanu ka hor imaanayn danaha qaranka, siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.
Aqoonsiga Somaliland maxuu uga dhigan yahay Itoobiya?
Go’aanka Israa’iil wuxuu yimid xilli dhaq-dhaqaaqyada Masar ee Geeska Afrika ay sii xoogaysanayaan, Itoobiyana ay waddo qorshe ay ku raadsanayso marin-badeedka ay ka hesho Badda Cas.
Warbaahintu waxay sheegtay in Masar ay heshiis la gashay Jabuuti si loo horumariyo saldhigga maraakiibta iyo saldhigga Asab.
Inkastoo BBC si madax bannaan u xaqiijin karin arrintan, haddana waxaa cad in Masar ay dhistay xidhiidh xooggan oo ay la leedahay dalalkan.
Masar waxay gashay heshiis ku saabsan horumarinta saldhigga maraakiibta ee Jabuuti.
Laba sano ka hor, Itoobiya waxay Somaliland la saxiixatay heshiis marin-badeed oo si weyn loogu kalsoonaa yahay dhinaca Itoobiya.
Dhanka Soomaaliya,, waxay ka muujisay diidmo xooggan iyadoo ka hor timid , taas beddelkeena xoojisay xidhiidhkeeda dalalka Masar iyo Eritriya.
Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya
Itoobbiya ayaa muddo dheer xidhiidh la lahayd Somaliland, kaas uu koobnaa dhanka iskaashiyada amni iyo ganacsiga, marnaba ma gaadhsiisnayn heer aqoonsi rasmi ah, inkasta oo labada dhinacba qunsuliyado ku kala leeyihiin Hargeysa iyo Addisababa.
Bishii January ee 2024 horraanteedii ayay ahayd markii soo heshiiskii isafgarad ee dhex maray Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo raysalwasaaraha Itoiobbiya Abiy Axmed, kaas oo dhinacyadu sheegeen in qorshuhu yahay gaadhitaanka Itoobbiya ee badda oo Somaliland fudaydinayso iyo Itoobbiya oo dhankeeda iyana aqoonsanaysa Somaliland.
Heshiiskaas isafgarad oo muran dhaliyey Soomaaliyana ay si adag uga falcelisay ma uu midho dhalin.
Itoobbiya se ayaa muddooyinkii u danbeeyey ku soo celcelinaysay ka go’naanshaha bgaadhitaan badeed ‘wax ay ku qaadanaysaba’ sida uu marar badan sheegay Raysalwasaare Abiy.
“Itoobbiya iyo Somaliland dano iyo xidhiidh baa ka dhexeeya, waxaa la rejaynayaa in ay qayb ka noqon karaan dedaallada Somaliland ugu jirto ictiraaf raadinta, waxaana aan filayaa in ay xisaabta ku darsanayso, maadaama dalal badan Somaliland ay ictiraaf ka helayso in aanay noqon dal laga tegay” ayuu qabaa Guuleed Dafac oo ah sharciyaqaan iyo falanqeeye siyaasadeed oo reer Somaliland ah.
Wadahadal dhexmaray sannadkii 2004-tii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi iyo xildhibaanka aqalka sare ee Ingiriiska Lord David Triesman, ayuu Meles ka sheegay hadal saabsanaa dadaalka Somaliland ugu jirto aqoonsi caalami ah, isagoo yidhi “Itoobiya ma noqon doonto dalkii koowaad ee aqoonsada, balse sidoo kale ma noqon doonto dalka saddexaad.”
Hadalkan oo uu Lord Triesman markii dambe si fagaare ah uga dhex sheegay khudbad uu ka jeediyay Chatham House sannadkii 2010-kii, ayaa ka dhigan qorshaha Meles uu ahaa in ay noqon doonaa dalka labaad ee aqoonsada Somaliland.
Guuleed Dafac ayaana qaba in dalalka deriska la ah Somaliland dalka ugu ‘mudan ee ugu suurtagalsan’ in uu yahay Itoobbiya.
Dhanka kale Maxamed Mukhtaar oo falanqeeye siyaasadda Soomaaliya ah horena wasiir uga soo noqday Soomaaliya ayaa isaguna dhankiisa muujiyey in xaaladdani khatar ku tahay Soomaaliya.
“Ama Itoobiya ha noqoto ama dalal kalee waa khatar hor leh” ayuu ka dayriyey Maxamed Mukhtaar oo ka eegayey sida Soomaaliya u samaaynayso xaaladdani.
Isha: BBC

