25.9 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Xasan iyo Erdogan oo ku dhawaaqay go’aan culus oo la xiriira shidaalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah oo la xiriira qodista shidaalka Soomaaliya, maadaama dhawaan uun lasoo gabagabeeay hawlihii sahminta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in haatan Soomaaliya ay ka faa’iideysaneyso kheyraadkeeda dabiiciga ah ee uu Alle ku maneystay, wuxuuna sheegay in la gaaray xilligii qodistta gaaska dabiiciga ah ee dhex ceegaaga biyaha Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay hadda bilaabaysaa inay ka faa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga ah si la taaban karo, kheyraad aan si dhab ah looga faa’iidaysan waqtiyadii hore. Arrintan awgeed, waxaan maanta si wadajir ah u shaacinay in horumar weyn laga gaaray sahminta shidaalka iyo gaaska ku jira biyaha Soomaaliya ee badaha hoostooda ah” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in howsha qodista shidaalka oo uu sameyn doono Turkiga ay bilaaban doono sanadka 2026, isaga oo carabka ku dhuftay in fursada ugu badan ay ka heli doonan dhalinyarada dalkeenna.

“Soo saarista shidaalka Soomaaliya wuxuu dib usoo celinayaa rajadiid dalka, 2026 ayaana howsha la bilaabayaa, dhalinyarada ayaana fursad shaqo abuur ka heli doona”. ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Tani waxay ahayd maalgashi iyo sahamin muddo dheer la sugayay, waxaana si gaar ah uga mahadcelinaynaa Jamhuuriyadda Turkiga oo noqotay hormuudka hoggaaminaya howlahan muhiimka ah. Qiimeynno farsamo iyo cilmiyeed oo la sameeyay ilaa hadda ayaa xaqiijiyay natiijooyin togan, kuwaas oo astaan u ah marxalad cusub oo muhiim ah oo ku aaddan dib-u-soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya, horumar waara iyo barwaaqo mustaqbalka fog”.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in kalsooni wayn ay ku qaaday dowladda Turkiga iyo shacabkeeda, wuxuuna ugu mahadceliyay garab istaagga Soomaaliya.

“Maalgashigan, dadaalkan iyo tallaabooyinkan la qaaday waxay si cad u muujinayaan heerka kalsoonida Turkigu ku qabo Soomaaliya iyo sida uu uga go’an yahay inuu garab istaago shacabka Soomaaliyeed. Arrintaas aad ayaan uga mahadcelinaynaa” ayuu kusii daray.

Dhanka kale, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa isaguna sheegay in ay hirgelinaynaan iskaashi taariikhi ah oo lagu dhisayo xarun hawada sare ee Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu boggaadiyay dadaalka Dowladda Federaalka, isaga oo ku amaanay doorashooyinkii qof iyo codka ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Waxaan boggaadinayaa doorashada qof iyo codka ah ee dhawaan ka dhacday Muqdisho, Soomaaliya waa horumareysaa” ayuu isna yiri Erdogan.

Turkiga ayaa ah saaxib dhab ah, wuxuuna Soomaaliya ka taageeraa dhinacyo muhiim ah oo ay ugu horreyso difaaca, maadaama uu kula jiro heshiis milatari oo wayn, kaas oo lagu soo dhisay inta badan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News