27 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

DF oo weerar culus ku qaaday Saciid Deni oo weli ka aamusan…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda dowladda Soomaaliya Soomaaliya, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo weli ka aamusan aqoonsiga ay 26-kii bishaan Israa’iil siisay maamulka Somaliland.

Cabdiqafaar Xaange ayaa waxa lala yaabo ku tilmaamay in weli aanu Deni caddeyn mowqifkiisa ku aadan midnimada dalka, isaga oo tilmaamay in arrintan ay fadeexad wayn ku tahay, maadaama uu rabo inuu noqdo Madaxweyne Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inuu la aamusan yahay ajende kale oo halis ah, isla markaana la ogaadan doono mar uun, sida uu hadaka u dhigay.

“Arrintaan waa arrin ay cid walbaa la yaaban tahay, waxaana ku tilmaami karnaa fadeexad siyaasadeed Madaxweyne qayb dhan oo Soomaaliya ka mid ah xukuma in maanta waxa dhacay ka aamuso oo ka dhuunto waxay caddeyneysaa in ajene kale oo gurracan uu ku dhagan yahay” ayuu yiri Xaange.

Sidoo kale wuxuu intaa raaciyay “Waxbaa ku dhagan waxyaalahaasna waa soo bixi doonaan maalintii shanaad ayaan u maleynaa in la marayo inaanu ka hadlin, waa fadeexad saaran si uu isaga fujin lahaana isagaa laga rabaa”.

Horay waxaa sidaan oo kale Deni u weeraray Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin oo isaguna la yaabay aamusnaanta Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo aan weli ka hadlin xad-gudubka Israa’iil ee madax banaanida Soomaaliya.

Fahad ayaa sheegay in aysan jirin sabab loogu cudurdaaro labada hoggaamiye, isagoo xusay in tani abuurayso shaki ah inay raalli ka yihiin ama shirqoolka wax ka maleegeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Saciid Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, ilaa haddeer waa iyaga aamusan, sabab loogu cudurdaaro ma jirto, waliba Saciid Dani oo madax ka ah deegaan muhimad weyn leh oo midnimada ilaalinteeda caan ku ah,” ayuu yiri Agaasimihii hore ee NISA.

- Advertisement -

Read more

Local News