Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah ee doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee ka dhacay magaalada Muqdisho, iyada oo guddigu soo bandhigay sida ay kuraasta u kala heleen Xisbiyadii tartamay.
Illaa 20 urur siyaasadeed ayaa ku loolamay doorashadan oo ahayd mid xasaasi, taas oo sidoo kale ahayd qof iyo cod.
Warqad kasoo baxday guddiga ayaa lagu shaaciyay xisbiyada ugu badan ee helay kuraasta tiilay degmooyinkii ay ka dhaceen doorashooyinka, waxayna kala yihiin Xisbiga Caddaaladda iyo wadajirka JSP, Xisbiga Towfiiq, Xisbiga Sincad, Karaama iyo Xisbiga Ramaas.
Sida ku cad natiijada waxaa kuraasta ugu badan helay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee Madaxweynaha, kaas oo 177 Mudane ku yeeshay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxa ay tani u dhigan tahay celcelis 45%.
Kaalinta labaad waxaa isna soo galay Xisbiga Towfiiq oo helay 49 Xildhibaan oo degmooyinka gobolka Banaadir ah, celceliska codadka uu helay waa 12.6%.
Sidoo kale, Xisbiga Ramaas ayaa kusoo baxay kaalinta saddexaad wuxuuna helay 42 Kursi, halka 4-aad uu soo galay Karaama oo isna helay 39 Kursi halka urur siyaasadeedka 5-aad uu noqday Sincad oo helay 26 Kursi.
Doorashadan ayaa noqotay tii ugu horreysay oo qof iyo cod ah oo muddo 57 sano kadib ka qabsoonta dalka, waxaana si weyn loogu bogaadiyay dowladda.


