28.5 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Waddooyin horleh oo ku yaalla Muqdisho oo maanta la furay + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta furay waddooyin horleh oo ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo muddo xirnaa, isla markaana ay dhibaato ku qabeen dadka deegaanka.

Laba waddo oo ku taalla degmada Heliwaa ayaa maanta lagu guuleystay in la furo, kuwaas oo laga qaaday dhagxaantii ku go’neyd muddada dheer.

Guddoomiyaha degmada Cabdifitaax Maxamed Xareed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in isbeddalka amni ee caasimada uu keenay in la furo waddooyinkan, si loo fududeeyo isku socodka guud ee dadweynaha.

“Waxaa isbeddalay xaaladihii amniga, maadaama ay shaqo wayn ka qabteen hay’adaha amniga, ayna yaraadeen qaraxyadii ka dhici jiray caasimada” ayuu yiri Guddoomiye Cabdifitaax Maxamed Xareed.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in qorshahan uu qayb ka yahay barnaamijiyada horumarineed ee uu wado guddoomiye Muungaab ee la xiriira dhismaha waddooyinka iyo dib usoo celinta caasimada.

“Qorshahan furidda waddooyinka waa qayb kamid ah hannaanka bilic soo celinta ee duqa magaalada Muqdisho, si loo helo caasimada qurux badan” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, qaar ka mid shacabka ku dhaqan waaxda Bandar-wanaag ee degmada Heliwaa ayaa ka mahadceliyay furitaanka waddooyinka, waxaana u hadlay odayaasha dhaqanka oo goobjoog ahaa furitaanka jidadkaasi.

“Waxaan fureynaa waddadii baarka Walaalaha oo intaas oo sano dhagax uu yiila, waxaa na hortaagan guddoomiyihii degmada, dhagaxii waa nagala qaaday waa hambalyeyneynaa” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha deegaanka.

- Advertisement -

Read more

Local News