27.1 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

DF oo war cusub kasoo saartay doorashadii Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, iyada oo shaacisay in ay caddeysay in dadku rabaan doorashooyin toos ah.

Wasaaradda ayaa si weyn u boggaadisay qabsoomida doorashadaas, waxayna ugu hambalyeysay dadka Soomaaliyeed, maadaama ay ahayd qof iyo cod.

Sidoo kale, waxa ay intaasi ku dartay in doorashadu u dhacday si xor iyo xalaal ah, ayna ku tartameen ururrraddii siyaasadda ee is-diiwaangeliyay.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in qabsoomideeda ay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka inay toos uga qayb-qaataan doorashooyinka dalka.

“Doorashada waxaa si xor iyo xalaal ah ugu tartamay ururro siyaasadeed oo diiwaangashan, iyadoo ay si weyn uga muuqatay ka qaybgal dadweyne iyo kalsooni buuxda oo lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas kusii daray “Tirada codbixiyeyaasha ka qayb qaatay doorashada waxay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka ee ku aaddan in ay si toos ah uga qayb qaataan hoggaaminta iyo go’aan qaadashada heer deegaan”.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay shacabka Gobolka Banaadir ku bogaadinaysaa qabsoomidda Doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, oo si guul ah u dhacday 25-kii Diseembar 2025. Wasaaraddu waxay hambalyo u diraysaa dhammaan xubnaha ku guuleystay Doorashada Golaha Deegaanka.

Doorashadan ayaa astaan u ah horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dowladnimada, hannaanka Federaalka, iyo maamul wanaagga. Waxay muujisay bisayl siyaasadeed, wacyi bulsho, iyo ka-qaybgal ballaaran oo ay muujiyeen shacabka Gobolka Banaadir.

Doorashada waxaa si xor iyo xalaal ah ugu tartamay ururro siyaasadeed oo diiwaangashan, iyadoo ay si weyn uga muuqatay ka qaybgal dadweyne iyo kalsooni buuxda oo lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed. Tirada codbixiyeyaasha ka qayb qaatay doorashada waxay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka ee ku aaddan in ay si toos ah uga qayb qaataan hoggaaminta iyo go’aan qaadashada heer deegaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta waxay si gaar ah u bogaadinaysaa Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, oo ku guuleystay in ay si hufan, daahfuran, isla markaana xirfad leh u maamuleen Doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ammaan iyo mahadnaq u jeedinaysaa hay’adaha ammaanka Qaranka, kuwaas oo si xilkasnimo, feejignaan, iyo karti leh u sugay amniga doorashada, taasoo horseeday in geeddi-socodka doorashadu si nabad ah, hufan, isla markaana guul ku dhammaatay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta waxay sidoo kale uga mahadcelinaysaa saaxiibada caalamiga ah ee taageeray hannaanka doorashooyinka, isla markaana taageeray natiijada iyo in si dimoqoraadi ah dadka Gobolka Banaadir loo celiyey awoodooda.

Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay adkaynaysaa in Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee la doortay uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta isla-xisaabtanka, kor u qaadista maamul wanaagga, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo si toos ah u taabanaya nolosha iyo danta shacabka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Read more

Local News