Addis-Ababa (Caasimada Online) — Midowga Afrika iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa Talaadadii si wadajir ah u xaqiijiyay taageerada ay u hayaan madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, xilli Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu ugu baaqay Israa’iil inay ka laabato aqoonsiga ay siisay Somaliland, iyagoo ku nuuxnuuxsaday inaysan jirin cid shisheeye ah oo awood u leh inay dib u xariiqdo xuduudaha dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.
War-murtiyeed wadajir ah oo kasoo baxay wadahadallo ka dhacay Addis Ababa, ayay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Wasiiru-dowlaha Imaaraadka, Sheikh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, ku taageereen “madaxbannaanida, midnimada dhuleed, amniga iyo xasilloonida” Soomaaliya, iyagoo arrimahaas ka dhigay mudnaanta koowaad ee Geeska Afrika.
Saacado ka hor kulankaas, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa “si kulul u cambaareeyay” aqoonsiga halka dhinaca ah ee Israa’iil siisay waxa loogu yeeray “Jamhuuriyadda Somaliland,” iyagoo dalbaday in “si degdeg ah looga laabto” tallaabadaas.
Iyagoo daliishanaya Xeerka Aas-aaska Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay, Goluhu wuxuu dib u xaqiijiyay “mawqifkooda aan la loodin karin” ee ku aaddan midnimada Soomaaliya.
Waxay carrabka ku adkeeyeen inuusan jirin dhinac sharciyad u haysta inuu wax ka beddelo dhulka dal ka mid ah Midowga Afrika, iyagoo ku dhawaaqay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay mid “waxba kama jiraan ah (null and void)” marka loo eego sharciga caalamiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiddanayd sheegashada madaxbannaanida Somaliland tan iyo markii gobolkaasi ku dhawaaqay inuu go’ay 1991-kii, iyadoo ku doodaysa in dalalka shisheeye aysan xiriir rasmi ah la sameyn karin Hargeysa iyagoon oggolaansho ka haysan Muqdisho.
Bayaanka wadajirka ah ayaa yimid kadib kulan heer sare ah oo daba socday wadatashiyo horay uga dhacay Abu Dhabi sanadkii 2025-ka, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya Guddiga Midowga Afrika iyo dalka Khaliijka ku yaalla.
Yuusuf iyo Sheikh Shakhboot ayaa ka wada hadlay amniga Geeska Afrika, iyagoo xusay in xasilloonida gobolka ay xiriir dhow la leedahay amniga Gacanka Carabta iyo badaha.
Sidoo kale, waxay wada-hadalladooda ku saleeyeen ajandaha is-dhexgalka ballaaran, iyagoo tusaale u soo qaatay Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AfCFTA) oo ah gaadiid dhaqaale oo muhiim ah.
Inkastoo war-murtiyeedka wadajirka ah uusan si toos ah magaca Somaliland u xusin, haddana xaqiijinta madax-bannaanida Soomaaliya ayaa kusoo aadday xilli garabka amniga ee Midowga Afrika uu si rasmi ah uga horyimid tallaabada Israa’iil.
26-kii December, Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, islamarkaana ay la sameysan doonto xiriir diblomaasiyadeed.
Tallaabadaas ayaa noqotay markii ugu horreysay ee dal xubin ka ah Qaramada Midoobay uu aqoonsado Somaliland, taas oo sii kululaysay muran goboleed soo jiitamayay tobanaan sano.

