28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Booliska Muqdisho oo war ka soo saaray dhacdadii Dayniile

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo xalay soo saaray warsaxaafadeed ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgal ay shalay ciidamada ammaanka ka sameeyeen Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Qoraalka taliska ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay ku baxeen shaqaaqo ay sameeyeen dhalinyaro iyo haween isa soo abaabulay oo banaanbax ka sameeyay xaafadda Warlaliska ee degmadaasi, kadibna la boobay dukaan ku yaalla halkaasi.

Taliska ayaa xusay in ciidamada oo gurmad ku tegay goobta ay kooxda abaabulan ku weerareen dhagaxyo, kadibna isku dhaceen iyaga iyo ciidanka, halkaasna uu ka dhashay dhaawaca 3 qof oo kaliya.

“Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad ka mid ah Degmada Deyniile in ay kooxo dhalinyara ah oo abaabulan ay banaabax fowda ah ka sameeyeen, banaanbaxaas oo dhaliyay weerar Dukaan uu lahaa Muwaadin Soomaaliyeed waxaana la boobay hantidiisa waxaana isugu soo baxay Carruur iyo Haween isla markiiba waxaa gurmad u fidiyay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo gaarey goobta” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidanka Boliska Intii ay ku guda jireen badbaadinta hantida waxaa ka dhashey rabshado abaabulan oo isku bedelay dhagax-tuur lagala horyimid Ciidanka Booliska ee Gurmadka ku yimid. Waxaa Shaqaaqadaas ku Dhaawacmay ilaa 3 Qofood oo rayid ah waxaana la geeyey isbitaalada oo hada lagu dhabiibayo. Ma jirto wax dhimasho ah oo ka dhashay dhacadadaas”.

Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in haatan uu socdo baaris ku aadan dhacdadaasi, isaga oo intaas ku daray in ay been yihiin wararka lagu faafiyay baraha bulshada.

“Haddaba Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu arrintaas ku wadaa baaris dheeraad ah, si looga hortago dadka faafinaya wararka been abuurka ah. WABILLAAHI TOWFIIQ” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Mucaaradka oo ka hadlay dhacdadaas ayaa mas’uuliyadda dhabarka uu saaray taliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir, waxayna sheegeen in ciidamada oo waday barakicin qasab ah ay dad shacab ah u gaysteen dil iyo dhaawac, inkastoo talisku iska fogeeyay eedeyntaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News