28.4 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Somaliland oo DF uga digtay adeegsiga awood milatari kadib hadalkii Fiqi

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga falcelisay hadallo ka soo yeedhay Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in dowlado shisheeye ay xoog militari ku muquunin doonaan Somaliland.

Bayaan ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu tilmaamay hadalladaasi kuwo khatar ah, oo aan mas’uuliyad ku dhisnayn, isla markaana ka hor imanaya xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga dunida.

Somaliland ayaa mar kale carrabka ku adkaysay in aanay ka amar qaadan Muqdisho, isla markaana ay si buuxda ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991, iyadoo ku doodaysa xuduudihii caalamiga ahaa ee ay lahayd xilligii xorriyadda 1960-kii.

Waxay sidoo kale tilmaantay in muddadaas kaddib ay dhistay nidaam ku saleysan nabad, xasillooni iyo dimuqraadiyad shaqaynaysa.

Xukuumadda Somaliland waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya dusha uga tuurtay mas’uuliyadda wixii ka dhalan kara hadallada hanjabaadda u eg, waxayna ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibbada caalamiga ah in ay si cad uga horyimaadaan tallaabo kasta oo khatar gelin karta nabadda gobolka.

Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay ilaalinta nabadda iyo deganaanshaha gobolka, balse ay mar walba diyaar u tahay difaaca nafteeda, sida uu oggol yahay sharciga caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda si cad ugu baaqday Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo guud ahaan dalalka Carabta in ay qaadaan tallaabo ciidan oo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, iyadoo arrintaas la barbardhigay sida ay Sacuudigu hore ula dhaqmeen hoggaamiyihii Koonfurta Yemen, Caydarus Al-Zubaydi.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo wareysi siiyay telefishinka Aljazeera ayaa sheegay in Dowladda Federaalka aysan marna oggolaan doonin in Israa’iil saldhig ciidan ka samaysato dhulka Somaliland.

Soomaaliya ayaa haatan wadda dadaallo diblumaasiyadeed oo waa wayn, iyada oo shirar caalami ah horgeysay xadgudubka Israa’iil ee madax-banaanideeda.

Hadalkaas ayaa imanaya xilli Somaliland ay si cad u beenisay in Israa’iil ay joogis militari ku yeelanayso dhulkeeda.

War-saxaafadeedka Somaliland oo dhameystiran ayaa u dhigna sidan:

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si adag u cambaaraynaysaa hadalladii dhawaan ka soo yeedhay Dawladda Soomaaliya, kuwaas oo ku baaqday in farogelin ciidan shisheeye lagu qaado Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhawaaqa Soomaaliya waa tallaabo culus oo xilkasnimo la’aan ah, isla markaana si cad u jebinaya cahdiga iyo shuruucda Qarammada Midoobay iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Jamhuuriyadda Somaliland ma hoos-tagto kamana tirsana maamulka Muqdisho. Somaliland waxay si sharci ah dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda sannadkii 1991kii, iyadoo oo raacaysa soohdimaheedii 1960 ee caalamku aqoonsan yahay, waxayna JSL tan iyo xilligaas ay hirgelisay nabad, xasillooni, iyo maamul dimuqraaddi ah.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cawaaqibka ka dhasha baaqa colaad abuurka ah si buuxda dusha ugu saaraysaa Dawladda Soomaaliya. Waxa kaloo ay beesha caalamka ku boorrinaysaa inay ganafka ku dhuftaan baaqyada noocan oo kale ah.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar kale caddayneysaa sida ay uga go’an tahay nabada iyo ilaalinta xaqa ay u leedahay is-difaaca sharciga caalamiga ah jiddeeyay.

- Advertisement -

Read more

Local News