Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya, Ridwaan Xuseen ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Ridwaan ayaa kulan gaar ah oo albaabadu u xiran yihiin la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la sheegay inuu soo gaarsiiyay farriin uu ka siday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Faahfaahin rasmi ah lagama bixin nuxurka farriintaas, balse wararka ayaa tilmaamaya in kulanka lagu gorfeeyay xaaladaha iyo isbeddellada ka jira gobolka.
Taliyaha sirdoonka Itoobiya ayaa sidoo kale la kulmaya Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Salaad oo ay ka wada-hadlayaan iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga iyo xaaladda Geeska Afrika, xilli ay xiisad hor leh abuurtay sheegashada Israa’iil ee aqoonsiga maamulka Somaliland.
Xukuumadda Addis Ababa ayaa xoogga saaraysa xoojinta isbahaysiga dhinaca amniga ee Geeska Afrika, si meesha looga saaro wax walba oo dhibaato ku ah gobolka, xilligan xasaasiga ah.
Itoobiya ayaa doonaysa in ay dardar-geliso heshiisyo hore oo dhinaca amniga ah oo ay la gashay dhiggeeda Muqdisho, si boorka looga jafo loona dhaqangeliyo.
Ilaa iyo hadda, wax war ah kama soo bixin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku saabsan safarka uu maanta taliyaha sirdoonka Itoobiya ku yimid Muqdisho.
Socdaalka taliyaha sirdoonka Itoobiya ee Muqdisho ayaa imanaya xilli Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu Axaddii booqday dalka Jabuuti, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda ka taagan Geeska Afrika, kaddib markii Israa’iil ay sheegtay inay aqoonsatay Somaliland, oo dunidu u taqaan maamul-goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

