27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Wasiir Cumar: Saciid Deni iyo Axmed Madoobe Imaaraadka kuma heyn karaan dalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashandhiga Soomaaliya, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable Tv ayaa si adag uga hadlay diidmda Jubaland, Puntland iyo Somaliland ee ku aadan cayrinta dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta oo ay go’aan culus ka qaadatay dowladda dhexe.

Cumar Cali Cabdi ayaa shaaca ka qaday in diidmada saddexdaan maamul aysan waxba soo kordhineynin, isla markaana dalka oo dhan ay mas’uul ka tahay dowadda federaalka Soomaaliya, oo iyadu burisay dhammaan heshiisyadii horay loola galay Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo haatan toos ula saftay Imaaraadka aysan kusii hayn karin dalka, sida u hadalka u dhigay.

“Jubaland, Puntland iyo Somaliland way diideen, laakiin madax-banaanidooda iyo haybtooda waxaa gacanta ku haysa dowladda Soomaaliya, iyadaana go’aan ka gaari karta, dastuurka ayaana faraayo” ayuu yiri wasiir Cumar.

Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Wax iyaga ay go’aan ka gaari karaan malaha sababtoo ah Saciid Deni iyo Axmed Madoobe Imaaraadka kuma heyn karaan dalka, waxaana dhaqan gelineynaa go’aannadii xukuumadda”.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in hoggaamiyeyaasha saddexda maamul ee Jubaland, Puntland iyo Somaliland ay dano gaar ah ku qabaan Imaaraadka Carabta, sidaasna ay ugu adeegayaan

“Diidmadooda waxay caddeyneysaa dowladdii lagala laabtay xiriirka oo aanan hadlin inay iyaga hadlaan waxa ay ku qabeen ayayna caddeyneysaa” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, Go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa la xiriiray warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News