Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay iskaashiga sii xoogeysanaya ee kala dhexeeya Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo si weyn taageero ugu muujisay xilligaan adag.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay isbeddalka ku yimid xiriirka labada dal ayaa uga mahad-naqay dowladda Sacuudiga taageeradeeda xoogan, wuxuuna sheegay in xiriirkooda uu ku qotomo taariikh iyo caqiido.
“Boqortooyada iyo boqorka Xaramaynku waa sharfan yihiin Allaha barakeeyo, waxay inoo muujiyeen garab istaag walaaltinimo oo ku qotoma taariikh iyo caqiido” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Arrintan ayaa imaaneyso, iyada oo isbeddel istiraatiijiyadeed oo weyn oo ay qaadayso Muqdisho, xilli uu bur-buray xiriirka kala dhexeeya dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta, oo muddo ku lug lahaa arrimaha Soomaaliya.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa haatan la filayaa inuu u safro Riyadh, halkaas oo uu wada-hadallo heer sare ah kula yeelan doono Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.
Booqashadan ayaa sidoo kale dirayso farriin adag oo muujinaysa sida Sacuudigu u garab taagan yahay madax-bannaanida Soomaaliya, kadib markii Israa’iil ay aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland—tallaabadaas oo Muqdisho ay ku eedaysay inuu soo agaasimay Imaaraadka.
Safarka waxaa barbar socda in Riyadh ay isku diyaarinayso inay martigeliso shir-weyne dib-u-heshiisiin ah oo u dhexeeya Soomaalida, kaas oo ka dhacaya magaalooyinka barakaysan ee Makka iyo Madiina.
Si kastaba, dhaq-dhaqaaqan diblamaasiyadeed ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay dib u habeyn xooggan ku sameyneyso xulafadeeda gobolka.

