Laascaanood (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyne ku-xigeenka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo diyaargarowga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha dowlad-goboleedka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.
Shirkan ayaa la iskula qaatay qorshayaal lagu xaqiijinayo amni buuxa inta ay munaasabadda socoto, taasi oo uu ka qeyb-galayo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Magaalada Laascaanood ayaa haatan waxaa ku sugan ciidamo kala duwan oo isugu jira kuwa Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo ciidamo kale, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeynaya ilaalinta amniga guud.
Hoggaamiyaha Waqooyi Bari Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) oo markii hore KMG ahaa ayaa mar kale dib loogu doortay xilka Madaxweynaha, kadib doorasho sanadkii hore ka dhacday Laascaanood, taas oo lag dhammeystiray maamulkan oo aqoonsi buuxa ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.
Ninkan ayaa toos ugu xiran Villa Somalia, wuxuuna horay ugu biiray Xisbiga uu dhisay Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP, isagoo taageeradaas ku caana maalay, maadaama uu mar kale ku guuleystay inuu sii hogaamiyo maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Si kastaba, safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Laascaanood ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay isku dhacsan yihiin dowladda federaalka iyo Somaliland, sababo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay maamulka Hargeysa.









