28.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Maxay tahay farriinta Cirro u direy boqorka Sacuudiga ee uusan ka jawaabin?

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa shaaciyay inuu farriin u diray Boqorka Sacuudiga Carabiya, Salman bin Abdulaziz.

Farriintan ayuu sheegay inuu kaga dalbaday in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan, si la mid ah farriin uu hore ugu diray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Boqor Salman ayaan weli wax jawaab ah ka bixin farriinta uu u diray Madaxweyne Cirro, sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland, inkastoo uu xusay inuu wali ka sugayo jawaab.

“Waraaq aan u qoray Netanyahu oo la mid ah ayaan u diray Boqorka Sacuudiga, Madaxweynaha Masar iyo Madaxweynaha Turkiga, midna iigama soo jawaabin, waxaana rabitaanka shacabkayga ka soo jawaabay Netanyahu,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inuu weli jawaab ka sugayo “walaalaha Carbeed”, isagoo tilmaamay inuusan midna necbayn. “Dalalka walaalaha nahay ee Carbeed taariikh fac weyn ayaa naga dhaxeysa, hadday tahay Sacuudiga iyo Masarba,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aysan jirin sabab ay Masar iyo Sacuudigu uga soo horjeestaan rabitaanka reer Somaliland, maadaama uu ku dooday in xiriir taariikhi ah uu kala dhexeeyo dalalkaas, isla markaana aysan ka fileyn cadaawad.

“Way ogyihiin in Somaliland ay Soomaaliya ka hor ahayd dal madax-bannaan. Waxaan jecelnahay in xiriirkeenna iskaashi uu sii jiro, walaalnimadeenuna ay sii socoto. Sabab ay maanta Somaliland uga horyimaadaan ma jirto,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Waxa uu intaas ku daray: “Dadka Soomaaliyeed waxaan leenahay in Soomaalida la isku keeno oo la mideeyo Hargeysa ayay ka dhalatay, Xamar kama dhalan. Dadka Soomaaliyeed cadaawad uma hayno, balse waxaan leenahay hawshayada annaga ayaanu maamulaynaa. Qaran madax-bannaan ayaan ahayn 1960-kii, 1991-kiina waan soo ceshannay madax-bannaanideenna.”

Ugu dambeyntii, wuxuu sheegay in aysan cidna duullaan ku ahayn, balse ay doonayaan inay qarankooda dhistaan. “Haddii ay Soomaaliya ku soo duusho Somaliland, sidii ay ugu jabtay waagii hore, duullaanka si ka daran ayay ugu jabaysaa.”

- Advertisement -

Read more

Local News