24.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Xog: Maxay ka wada-hadleen Cirro iyo wasiiro Carbeed?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa sheegeysa in horraantii bishan ayaa ay wada-hadallo xasaasi ah oo dhanka telefoonka ah ay dhexmareen Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee labo dal oo Carbeed.

Xogtan, oo laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Madaxtooyada Somaliland, ayaa xaqiijinaysa in ujeeddada xiriirkan ay ahayd sidii madaxweynaha loo hordhigi lahaa qorshayaal cusub oo la xiriira xaaladda cakiran ee gobolka Geeska Afrika.

Saraakiisha aan xogta ka helnay ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Cirro uu si cad oo aan leex-leexad lahayn u diiday inuu wax wada-hadal ah ka galo qodobka ku saabsan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Wasiirrada u sheegay in xiriirka iyo iskaashiga Israa’iil uu yahay “Go’aan Qaran” oo xirmay, isla markaana uusan ka mid ahayn mawduucyada miiska saaran ee gorgortanka laga geli karo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa qeexay mowqifka adag ee Hargeysa ee ku wajahan wada-hadal kasta oo mustaqbalka dhaca oo ay la yeeshaan dowladda federaalka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in cid kasta oo doonaysa inay la macaamisho Somaliland looga baahan yahay inay marka hore u aqoonsato sidii dowlad madax-bannaan oo buuxda, isagoo meesha ka saaray in Somaliland loola dhaqmo sidii maamul ka tirsan Soomaaliya.

Wada-hadalladan ayaa qayb ka ah dadaallo diblamaasiyadeed oo uu hormuud ka yahay Sacuudiga, kuwaas oo lagu doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo Soomaalida si looga hortago in saameyn ciidan oo Israa’iil leedahay ay soo gasho dhulka Soomaaliyeed ama Badda Cas.

Inkasta oo qodobka Israa’iil la isku mari waayay, haddana wadahadalka ayaa ku soo idlaaday is-faham guud oo ah in albaabada loo furnaado, dibna la isugu soo laabto si loo sii ambaqaado wadahadalka ku saabsan xasilloonida gobolka.

Xiriir aan la sameynay dhanka Dowladda Federaalka ah si aan wax uga waydiino halka ay marayaan dadaallada Sacuudiga ayaa sii xoojiyay inuu socdo olole heer gobol ah oo lagu qancinayo Somaliland.

- Advertisement -

Read more

Local News