Sanca (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Ansarullah (Xuutiyiinta) ee Yemen, Cabdul-Malik Al-Xuutii ayaa Khamiistii jeediyay digniin adag oo ka dhan ah joogitaanka Israa’iil ee Somaliland, isaga oo sheegay in kooxdiisu ay beegsan doonto goob kasta ama saldhig kasta oo Israa’iil halkaas ka samaysato.
Hadalkan ayaa daba socda dhawaaqa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee uu ku aqoonsaday Somaliland inay tahay “dal madax-bannaan,” halka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar uu booqasho ku tegay Hargeysa.
Al-Xuutii ayaa khudbaddiisa ku xusay in Israa’iil ay muddo dheer doonaysay inay yeelato saameyn iyo saldhigyo ku yaalla Geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalida, isagoo arrintaas ku sababeeyay muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Bab-al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed.
Sidoo kale waxa uu sheegay in tallaabooyinkaas ay khatar ku yihiin amniga Yemen iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.
“Arrinta ka taagan Somaliland si toos ah ayay noo quseysaa, waana khatar amni oo nala soo wajahday, mana ka aamusayno,” ayuu yiri Al-Xuutii, isaga oo tilmaamay in ay si dhow ula socon doonaan dhaq-dhaqaaqa Israa’iil, isla markaana tallaabadoodu aysan ku koobnaan doonin hadallo oo keliya.
Sidoo kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil uu booqashada Somaliland ku tegay si qarsoodi ah, isagoo sii maray Itoobiya, arrintaas oo ay ku fasireen cabsi uu ka qabo jawaabta Yemen.
Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.
Dowladda ayaa dagaal adag la gashay aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.
Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.
Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

