Dooxa (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa kamid noqotay ka qeyb-galayaasha shirka caalamiga ah ee DIMDEX 2026, kaasi oo ka furmaya magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Dowladda Qatar ayaa si rasmi ah u casuuntay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya si ay uga qeyb-galaan shirkaan.
Shirkan caalamiga ah ee DIMDEX 2026 ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, kaas oo socon doona inta u dhexeysa 19 illaa 22-ka Janaayo 2026.
DIMDEX waa bandhig iyo shir heer caalami ah oo diiradda lagu saarayo difaaca iyo amniga badda, kaas oo ay isugu yimaadaan dowlado iyo shirkado ka shaqeeya arrimaha la xiriira amniga badaha.
Shirkan waxaa lagu soo bandhigaa maraakiibta dagaalka, qalabka amniga xeebaha, diyaaradaha badda, iyo tiknoolajiyada casriga ah ee loo adeegsado ilaalinta badaha iyo xeebaha.
Sidoo kale, DIMDEX 2026 waxaa si gaar ah loogu falanqeyn doonaa arrimaha amniga badda, la dagaallanka burcad-badeedda, tahriibka sharci-darrada ah iyo dambiyada kale ee ka dhaca badaha.
Waxaa kale oo shirka lagu gorfeyn doonaa sida loo ilaalin karo khayraadka badda, loona xoojin karo iskaashiga milatari ee u dhexeeya dalalka caalamka.
Shirka DIMDEX 2026 waxaa ka qeyb-galaya dalal waaweyn oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Shiinaha, Faransiiska, Turkiga, Pakistan, Norway iyo dalal kale oo badan.
Dowladda Soomaaliya ayaa fursaddan uga faa’iideysan doonta inay Qatar ka dalbato taageero buuxda oo ku aaddan dhismaha, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Badda Soomaaliya.
Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in la xoojiyo amniga xeebaha Soomaaliya, la ilaaliyo khayraadka badda, isla markaana si wax ku ool ah loola dagaallamo dambiyada ka dhaca badaha.
Dowladda Qatar ayaa dhankeeda ballan-qaadday inay Soomaaliya ka taageeri doonto dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo wadaagista khibradda, iyadoo la kaashanaysa iskaashiga caalamiga ah ee ay ku leedahay amniga badda.

