27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Xiisadda BF oo kasii dartay iyo cabsi laga qabo in maanta…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad culus oo ka dhalatay sii wadista wax ka beddalka Dastuurka ayaa ka taagan Baarlamaanka, iyadoo xildhibaannada iyo guddiyada qaabilsan Dastuurka ay si weyn arrintan ugu kala qaybsameen.

Doodda ayaa timid, kadib markii dhawaan guddiyada Dastuurka ay Seekh Aadan Madoobe u gudbiyeen cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee wax ka beddalka Dastuurka, si looga doodo kadibna loo ansixiyo.

Xildhibaanno badan ayaa ka horyimid arrintan, waxayna ku doodeen inuu soo dhammaaday Kalfadhigoodii, loona baahan yahay in la xiro, maadaama uu dhigayo xeer hoosaadka Golaha.

Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaannada diidan wax ka beddalka Dastuurka ayaa ku dooday in xilligaan aan la qaba karin sharci, wuxuuna u digay guddoomiyaha, isaga oo sheegay inuu qaadi doono masuuliyadda wixii dhaca.

“Kalfadhigeenna waxaa ka harsan berri oo kaliya lama keeni karo sharci, Aadan Madoobe waa yaqaanaa ogaansho badan ayuu u leeyahay xeer hoosaadka aktiisa ayuu yaallaa ha fiiriyo” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dastuurka uu maanta illaa habeen hore isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay la cararaayaan xaq uma laha inay keenaan, caalamkuna ha ogaado wixii dhaca masuuliyadooda waxaa qaadaya Aadan”.

Dhanka kale, waxaa laga cabsi qabaa in maanta fowdo ay ka dhalato kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya, iyada oo xalay xildhibaannadu ay ku doodeen in gamcamaha la’iskula tegi doono, haddii Baarlamaanka la keeno Dastuurka.

“Aadan Madoobe Alamtara ayuu soo dhaafay, balse berri gacmaha ayaan qabanaynaa wixii dhacana isaga ayaa ka masuul ah” ayuu yiri Mahdi Qalato.

Waxaa kale oo xildhibaannadu sheegeen in xilligan kala guurka ah aan la aqbali karin in lasoo dhex-maro, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda oo uu ku jiro Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrimahan ayaa kusoo aadayo iyada kowda bisha soo socoto la filayo in ay Muqdisho wada-hadallo uga bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland.

Dhinacyadan ayaa ka arrinsan doono xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan is mari-waaga ka taagan hanaanka Doorashada iyo wax ka beddelka Dastuurka.

- Advertisement -

Read more

Local News