Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo qorshuhu yahay inay ka qayb-galaan shirka wada-tashiga ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa iska soo hormariyay ciidamo hubeysan oo ilaalo ah, kuwaas oo goordhow kasoo ambabaxay magaalooyinka Ksimaayo iyo Garoowe.
Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa sugi doono amniga labada madaxweyne oo ay haatan is hayaan Villa Somalia, iyagoo maalmo joogi doono caasimada.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo ciidamada oo wata hub culus, isla markaana diyaarado usoo saaran magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa lasii diyaariyay goobaha ay degi doonaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, inta ay socdaan wada-hadallada ay kula jiraan dowladda.
Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka aya haatan ka socota caasimada, iyada oo guddiyada labada dhinac ay diyaariyeen ajendaha shirka, waxayna sidoo kale shalay si wadajir ah ula kulmeen qaybaha bulshada Soomaaliyeed.
Waxaa kale oo la fiayaa in madaxda ka qayb-galeysa shirka ay soo wada xaroodaan, si uu shirka u furmo maalita beri ah oo ku beegan 2 Febraayo.
Sidoo kale, wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhankooda si dhow ula socda shirkan oo muhiim u ah marxaladda haatan ka taagan dalka, maadaama ay hore u muujiyeen taageerada gogosha wada-hadal ee ay soo jeedisay dowladda iyo aqbalaadda ay ka bixiyeen dhinacyada Mucaaradka.
Ajendaha shirka Isniinta ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamada guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.
Arrintan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay ka gaabsadeen inay tagaan Villa Somalia, iyaga oo doortay in shirku ka dhaco goob ka baxsan madaxtooyada oo la’isku haleyn karo.
Si kastaba, Muqdisho ayaa galeysa mashquul siyaasadeed bilowga Febraayo, iyadoo markii ugu horreysay muddo dheer wada-hadal fool ka fool ah ay isugu imaanayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo khilaafyo siyaasadeed ka dhex taagnaayeen.

