Washington (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo ay daabacday shabakadda Dark Box ayaa daaha ka rogtay xog xasaasi ah oo tilmaamaysa waji cusub oo halis ah oo uu galay loolanka siyaasadeed ee muddooyinkii dambe u dhexeeyay Imaaraadka Carabta iyo Boqortooyada Sacuudiga.
Sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo lagu tilmaamay kuwo lagu kalsoon yahay, mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka ayaa bilaabay qorshe ballaaran oo ay hoggaaminayaan shakhsiyaad miisaan ku leh dalka Maraykanka, kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu dhaawaco sumcadda Riyadh ee fagaarayaasha Reer Galbeedka, isla markaana la wiiqo kalsoonida lagu qabo jihada fog ee Boqortooyada.
Udub-dhexaadka qorshahan ayaa la sheegay in uu yahay Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Washington, Yuusuf Al-Cutayba. Danjiraha, oo caan ku ah xiriirka qoto dheer ee uu la leeyahay siyaasiyiinta Aqalka Cad, warbaahinta waaweyn, iyo xarumaha cilmi-baarista (Think Tanks), ayaa la sheegay inuu shabakaddiisa u adeegsanayo olole abaabulan oo cadaadis lagu saarayo xulafada Sacuudiga.
Sida ay warbixintu xustay, ololahan ma aha mid toos ah ama mid u muuqda cadaawad bareer ah, balse waa mid “dadban oo si xeeladeysan loo maamulayo.” Ujeedka ugu weyn ayaa lagu sheegay in la beddelo qaabka looga hadlo Sacuudiga ee siyaasadda iyo warbaahinta Maraykanka iyo Yurub.
Qorshaha ayaa ah in lagu dhiirrigeliyo siyaasiyiinta, kooxaha u ololeeya danaha gaarka ah (lobby groups), iyo hay’adaha u dooda xuquuqda in ay qaataan mowqif adag oo ka dhan ah hoggaanka Riyadh iyo hamigooda gobolka.
Qodobka ugu xasaasisan ee ololahan diiradda lagu saarayo ayaa ah barnaamijka isbaddalka ee Vision 2030. Ilo-wareedyadu waxay sheegayaan in dadaallada Imaaraadku ay ku wajahan yihiin in la buunbuuniyo caqabadaha dhaqaale, dib-u-dhacyada mashaariicda, iyo culeysyada bulsho, si loo abuuro dood ah in mashruucaasi aanu ahayn mid waari kara.
Hadafku ma aha oo kaliya dhaliil siyaasadeed, balse waa in shaki la geliyo maal-gashadayaasha caalamiga ah iyo saxafiyiinta ku aaddan awoodda Sacuudiga ee fulinta ballan-qaadyadooda isbaddal.
Xeelladaha la isticmaalayo waxaa ka mid ah kulamo hoose oo lala yeelanayo suxufiyiinta, xog-siin gaar ah (selective briefings), iyo in la xoojiyo falanqeymaha dhaliisha xambaarsan.
Waxaa sidoo kale jira dadaal lagu kicinayo hay’adaha horey u qaabeyn jiray siyaasadda Reer Galbeedka, sida ururada xuquuqda aadanaha iyo golayaasha dhaqaalaha. Inkasta oo dhaliisha Sacuudiga ee dhinacyadan aysan ku cusbeyn masraxa caalamka, haddana waxa cusub ayaa ah heerka isku-xirka iyo waqtiga la soo beegay, iyadoo ay sii kordhayso xurgufta u dhaxaysa Riyadh iyo Abu Dhabi.
Ilaa hadda, eedeymahan waa kuwo aan si rasmi ah loo xaqiijin, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha labada dal ama Danjire Al-Cutayba.
Si kastaba ha ahaatee, haddii xogtan ay dhab noqoto, waxay calaamad u tahay in loolanka Khaliijka uu hadda u wareegay fagaarayaasha caalamiga ah, iyadoo la adeegsanayo “dagaal dhanka aragtida ah” (narrative warfare) oo lagu kala jiidanayo hay’adaha iyo warbaahinta Reer Galbeedka.

