Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Gaalkacyo lagu toogtay Hodan Maxamuud Diiriye, oo hore maxkamad ugu heshay dambiga dilka Saabiriin Cabdulle Saylaan, uguna xukuntay dil toogasho.
Xukunka Hodan ayaa waxaa lagu fuliyay fagaaraha toogashada ee magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta laamaha cadaaladda.
Dilkan ayaa waxaa fuliyay dhaxlayaasha marxuumadda, iyadoo maxkamadda gobolka Mudug ay sheegtay in fulinta xukunka ay u dhacday si waafaqsan shareecada Islaamka.
Allaha u naxariistee Saabiriin Cabdulle Saylaan oo 14 sano jir ahayd ayaa si arxan-darro ah loo dilay, xilli ay kula noolayd Hodan gurigeeda.
Kiiskan ayaa noqday mid aad u gilgilay bulshada, maadaama uu xambaarsanaa dhacdooyin murugo leh oo naxdin badan.
Intii ay socotay maxkamadeynta, waxaa la soo bandhigay caddeymo ay ka mid ahaayeen muuqaallo muujinaya sida falka dilka ah u dhacay, kuwaas oo si weyn u taabtay dareenka bulshada Soomaaliyeed.
Go’aanka maanta la fuliyay ayaa si weyn loo sugayay, waxaana si gaar ah u soo dhaweeyay ehellada marxuumadda, kuwaas oo muddo dalbanayay in deg-deg loo toogto haweeneyda dishay gabadhooda.

