Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee F-16 ayaa saaka sameeyay dhoolatus milatari oo ka dhacay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku duulayay joog hoose.
Diyaaradahan oo ah kuw ugu casrisan ee ay soo saarto dowladda Maraykanka ayaa dhawaan waxaa magaalada Muqdisho keentay dowladda Turkiga.
Saaka qeybo kamid ah Muqdisho waxaa lagu arkayay diyaaradaha F-16 oo ku socda joog hoose, waxaana wehlinayay diyaarado qumaatiga u kaca ah oo Turkigu horay u keenay dalka, kuwaas oo haatan ay ku shaqeeyaan Ciidamada Cirka Soomaaliya.
Dhoolatuskan ayaa waxaa qayb ka ahaa ciidamo ka tirsan Cirka Soomaaliya oo wada-shaqeyn dhow la leh kuwa Turkiga ka socda.
Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay Soomaaliya u soo dirtay saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.
Turkiga ayaa sidoo kale xoojiyay joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.
Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka waday shaqooyin diyaarin ah gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin diyaarinta bakhaarro lagu keydinayo diyaaradaha, qalabka dayactirka, iyo joogitaanka khubaro ku howlan hawl-galinta iyo taageerada farsamo.
Sidoo kale, waxaa la sheegay in keenista diyaaradahaasi ay si dhow ula xiriirto qorshayaasha qodista shidaalka badda oo la filayo inay billowdaan dabayaaqada sannadkan, iyo hindisaha kale ee dhismaha saldhig dayax-gacmeed oo laga hirgelinayo waqooyiga Muqdisho.
Arrimahan ayaa lagu fasiray kuwo sii xoojinaya iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, tamarta iyo tiknoolajiyadda, iyadoo Ankara ay kordhinayso joogitaankeeda iyo saameynteeda gobolka.

