Riyadh (Caasimada Online) — Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay taageeradooda aan liic-liic lahayn ee ku aaddan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Labada hoggaamiye ayaa si adag u diiday tallaabo kasta oo lagu tilmaamay “gooni-goosad” oo khatar ku ah jiritaanka qaranimada dalka ku yaalla Geeska Afrika.
Bayaan kasoo baxay Agaasinka Warfaafinta ee Madaxtooyada Turkiga Arbacadii, ayaa lagu faahfaahiyay kulan heerkiisu sarreeyo oo labada hoggaamiye ay ku yeesheen magaalada Riyadh intii ay socotay booqashada rasmiga ah ee halka maalin qaadatay ee Madaxweyne Erdogan.
Labada dhinac ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhowro xasilloonida, horumarka iyo daryeelka shacabka Soomaaliyeed, iyagoo ka digay in la abuuro nidaamyo is-garab socda oo wiiqaya midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Qodobka ugu culus ee kulanka ayaa ahaa cambaareyn wadajir ah oo loo jeediyay tallaabadii dhowaan ay qaadeen maamulka Israa’iil iyo gobolka Somaliland.
Turkiga iyo Sacuudiga ayaa si cad u qaadacay bayaankii is-aqoonsiga ahaa ee dhexmaray labada dhinac, iyagoo ku tilmaamay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah, isla markaana sii hurinaya xiisadaha ka aloosan gobolka. Labada hoggaamiye ayaa tallaabadaas ku sifeeyay mid xoojinaysa falalka gooni-goosadka ah ee aan sharciga ahayn.
Xiisaddan ayaa timid kaddib markii dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore ay Israa’iil ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo caro weyn ka dhalisay Muqdisho iyo guud ahaan gobolka.
Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-kii, ayaa u shaqeysa sidii maamul madax-bannaan balse weli ma aanay helin aqoonsi caalami ah oo rasmi ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar walba ku adkaysata in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah dhulka lama taabtaanka ah ee Jamhuuriyadda, iyadoo tallaabo kasta oo aqoonsi ah u aragta faragelin qaawan oo lagu sameeyay qaranimadeeda.
Kulankan Riyadh ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu ilaaliyo midnimada Soomaaliya xilli ay jiraan cadaadisyo shisheeye.

