27.9 C
Mogadishu
Monday, April 27, 2026

Jubaland oo mowqif adag ka qaadatay arrinta Muqdisho…

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubaland ayaa si adag uga horyimid wax ka beddelka dastuurka, oo la sheegay in maalmihii dambe ay dardar-gelinaysay Villa Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in Dowadda Federaaalka ay si mas’uuliyad darro ah ugu tumatay dastuurkii lagu doortay, kadib markii ay wax ka beddelkiisa u martay hannaan sharci-darro ah.

Sidoo kale waxay sheegtay in dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta baarlamaanka ee Muqdisho ay muujinayeen xilkasnimo-darro weyn, iyadoo si cad u sheegtay in deegaanadeed aan lagu dhaqi doonin dastuur aan loo dhammayn.

“Ficilladii u dambeeyay ee ka dhacay goleyaasha baarlamaanka waxay muujinayaan xilkasnimo-darro weyn, iyada oo xildhibaanada ka soo horjeeda go’aanka uu dabada ka riixayo madaxweynaha waqtigiisu gabagabada yahay ay la kulmeen jirdil iyo handadaad halis gelisay nafdooda,” ayaa lagu yiri qoraalka Jubaland.

Arrintan ayay Jubaland sheegtay inay khatar ku tahay jiritaanka dowladnimada iyo dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee ay isla ogolaayeen dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Dowladda Federaalka ah waxay si Mas’uuliyad-darro ah ugu tumanaysa Dastuurkii lagu doortay iyadoo wax ka beddelka Dastuurka u maraysa hanaan baalmarsan habraacyadii ku qornaa wax ka beddelka Dastuurka, taas oo khatar ku ah jiritaanka Dawladnimada iyo Dastuurkii Heshiiska lagu ahaa ee ay isla ogolaayeen dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Ficiladii u danbeeyay ee ka dhacay Golayaasha Baarlamaanka waxay muujinayaan xilkasnimo-darro weyn, iyadoo Xildhibaanada kasoo horjeeda go’aamadan uu dabada ka riixayo Madaxweynaha wakhtigiisu gabagabada yahay ay la kulmeen jir dil iyo handadaad halis gelisay naftooda.

Dowladda Jubaland waxay caddeynaysaa in aan Deegaanada iyo shacabka reer Jubaland lagu dhaqi doonin Dastuur aan loo dhammayn oo koox gaar ah samaysanayso, kaas oo aan haysan kalsoonida xubnaha labada gole iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News