Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadalladii la filayay inay toddobaadkan u bilowdaan madaxda Dowladda Federaalka, mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa wajahaya halis hor leh, kadib markii Villa Somalia ay dardar-gelisay qorshaha muranka badan ka taagan yahay ee wax ka beddelka dastuurka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuusan daacad ka ahayn wada-hadallada mucaaradka, iyadoo xubnaha Golaha Mustaqbalka ay si adag uga digeen tallaabo kasta oo lagu beddelayo dastuurka dalka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo Golaha Mustaqbalka ee ay ku midoobeen mucaaradka, madaxda Jubaland iyo Puntland, ayaa sheegay in tallaabooyinka Dowladda Federaalka ay uga sii darayaan xiisadda taagan.
“Wada-hadal daacad ah ma jiri karo, iyadoo go’aanno aan laga laaban karin lagu gaarayo albaabbada gadaashooda. Isbeddel dastuur oo weyn xilli noocan oo kale ah wuxuu halis gelinayaa wada-hadallada,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Sidoo kale, waxa uu xusay in wada-hadallada ay aqbaleen mucaaradka ujeedkoodu yahay in xal laga gaaro qodobbada ay labada dhinac isku hayaan, kuwaas oo ugu muhiimsan ay yihiin arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.
“Ficillada noocan oo kale ah waxay dhaawacayaan kalsoonida saaxiibbada caalamiga ah, kuwaas oo maalgeliya xasilloonida, sharciga iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.”
Qorshaha socda ee wax ka beddelka dastuurka ayuu ku tilmaamay mid muddo-kororsi uu ku doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna si adag uga digay in damac noocaas ah uu ka hirgalo Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, waxa uu muujiyay sida xilligan loogu baahan yahay is-xakameyn, wada-hadal iyo hoggaan mas’uul ah, halkii laga qaadi lahaa go’aanno qar iska tuurnimo ah oo wax u dhimaya xasilloonida iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Si kastaba, wada-hadallada u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka ayaa u muuqda kuwo dib u dhac kale wajahaya, xilli toddobaadkan mar kale loo ballansanaa inay qabsoomaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan ku maqan safar dibadda ah, halka guddoonka baarlamaanka uu wado dhameystirka wax ka beddelka dastuurka, uuna halkaasi ka taagan yahay buuq xooggan oo ka dhashay wax ka beddelka.

