Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad) oo la hadlay Telefishinka Al-Jazeera ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Somaliland, isagoo sheegay in ay lumisay dhul muhiim ah oo ku yaal waqooyiga Soomaaliya.
Cali Balcad ayaa wareysigan kusoo bandhigay aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ka haysato Somaliand, wuxuuna u kala qaybiyay saddex qaybood oo kala ah Waqooyi Bari oo uu sheegay inay hadda ka tirsan tahay DFS iyo Galbeed oo kusoo biireysa, halka uu xusay in Somaliland ay kaliya hadda ka taliso Waqooyi Galbeed oo uu tilmaamay in ay degto Beesha Isaaq.
Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in hal qabiil aanu noqon karin dal, isla markaana ay ka kooban tahay 400 qabaa’il, sida uu ku sheegay wareysigiisa.
“Somaliland waa saddex gobol; Waqooyi-bari oo ka tirsan DFS, Galbeedka oo ku soo biiraya DFS; waxa keliya laga hadlayo waa Waqooyi-galbeed oo ay degto beesha Isaaq oo 40% ka ah Somaliland. Sidaas darteed, Soomaaliya waxay ka kooban tahay 400 oo qabaa’il, haddii qabiil kasta goosto, Soomaaliya waxay noqon lahayd boqolaal dal”. ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.
Waxaa kale oo uu kusii daray “Haddaba, haddii qabiil kasta uu doonayo inuu noqdo dal, taasi waa aragti aan macquul ahayn oo aan caqli ku dhisnayn”.
Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay difaacato midnimadeeda, isla markaana ay xoojisay iskaashiga dalalka ay u aragto in ay ku gacansiin karaan dedaalkeeda si ay meel isaga xirto faragelinta shisheeye ee dalkeeda lagu hayo, sida uu hadalka u dhigay.
“Soomaaliya waxaa ka go’an in ay difaacato midnimadeeda & dhulkeeda, dabcan ma aqbalayno in Israa’iil ay usoo rarto Dadka Gaza si qasab, waxa aan qaadnay tallaabooyin diblumaasi innaga oo iskaashi la samaynay Turkiga, Sacuudiga, Masar & Dalal kale” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Cali Balcad.
Isaga oo ka hadlayay maamulka Dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo ee Shirkadda Imaaraadka ee DP WORLD waxa uu tilmaamay in aanay Soomaaliya aqbali doonnin in si sharci darro ah loo maamulo dekedahaas.
Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay dedaallada lagu xoojinayo difaaca dalka, kaddib markii ay Israa’iil 26-kii December 2025 ku dhawaaqday in dal madax banaan ay u aqoonsatay maamulka Somaliland.

