28.1 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

DF Soomaaliya oo si adag u cambaareysay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weeraradii u dambeeyay ee ka dhacay dalka Suudaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu muujiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga xun tahay weerarrada ay Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ku beegsadeen xarumo rayid ah iyo kolonyooyinka gargaarka ee Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee gobollada Waqooyi iyo Koonfurta Kurdufan.

Weerarradan ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah.

Dowladda Soomaaliya waxay bayaankeeda ku caddeysay in falalkan ay yihiin xad-gudubyo culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday RSF inay si degdeg ah u joojiso tacaddiyadan, isla markaana ay ka soo baxdo waajibaadkeeda sharci iyo anshax ee ilaalinta shacabka.

“Soomaaliya waxa ay dalbanaysaa in ciidamada RSF ay si degdeg ah u joojiyaan xadgudubyadan, ay fuliyaan waajibaadkooda sharci iyo anshax ee ah ilaalinta rayidka iyo hubinta gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimada ee badqabka leh iyo shuruud la’aanta ah, ayna si buuxda u hoggaansamaan Baaqa Jeddah ee Ilaalinta Rayidka ee Suudaan.”

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay sida ay u garab taagan tahay midnimada, madax-bannaanida, amniga iyo xasilloonida Suudaan, isla markaana ay taageereyso dadaallada heer gobol iyo heer caalami ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda, iyadoo digniin ka bixisay halista faragelin dibadeed.

Maalin ka hor ayey aheyd markii Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan, oo ah urur bani’aadamnimo, ay sheegtay in weerar diyaarad aan duuliyaha lahayn (drone) uu RSF ku qaaday gaari qaadaya qoysas barakac ah oo ku sugan Waqooyi Kordofan, taasoo ku dishay ugu yaraan 24 qof, oo ay ku jiraan siddeed carruur ah.

Weerarkan ayaa ku xigay taxane weerarro diyaarad aan duuliyaha lahayn lagu qaaday kolonyooyinka gargaarka bani’aadamnimo iyo gaadiidka shidaalka ee guud ahaan Waqooyi Kordofan. Waxa ka mid ahaa weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) Jimcihii, kaasoo ugu yaraan hal qof lagu dilay.

Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suudaan oo la soo saaray Sabtidii ayaa lagu adkeeyay in “beegsiga kolonyooyinka gargaarka iyo hantida bani’aadamnimo ay tahay xadgudub culus oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimo, islamarkaana ay si ula kac ah u curyaaminayso dadaallada lagu gaarsiinayo gargaarka dadka u baahan.”

“Waxaa cad in weerarkan uusan ahayn dhacdo gooni ah, balse uu yahay sii socoshada qaab-dhismeed ay qaateen si ay u carqaladeeyaan shaqada gargaarka bani’aadamnimo, isla markaana uga faa’iideystaan yaraanta cuntada si cadaadis loogu saaro shacabka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale bulshada caalamka loogu baaqay inay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in RSF iyo taageerayaasheeda laga qaado masuuliyadda.

Dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidanka Suudaan ayaa si xooggan uga socda Kordofan bilihii u dambeeyay, kaddib markii kooxda paramilitary-ga ah ay la wareegtay el-Fasher bishii Oktoobar. Dagaalka oo socday ku dhawaad saddex sano ayaa la sheegay in qiyaastii lagu dilay 40,000 qof, halka in ka badan 21 milyan – ku dhawaad kala badh dadka Suudaan – ay la kulmeen gaajo ba’an.

- Advertisement -

Read more

Local News