27.9 C
Mogadishu
Monday, April 27, 2026

Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay inuu musharax yahay iyo inuu ku tartamayo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay inuu mar kale u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dastuurku uusan ka hor istaageyn inuu mar kale u tartamo xilka madaxweynaha.

Waxa uu intaas ku sii daray: “Mar kale waan taaganahay, iyadoo aan markan ku tartamayno dastuur cusub iyo nidaamka xisbiyada badan.”

Muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh oo bilo kooban ka harsan yihiin ayaa haatan ku hawlan wax ka beddelka dastuurka, arrintaas oo si adag uga soo horjeedaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.

Xubnahan ayaa u arka qorshaha wax ka beddelka dastuurka mid uu madaxweynuhu uga dan leeyahay damac muddo-kororsi, taas oo ay si adag uga horyimaadeen.

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku howlan dhammaystirka wax ka beddelka dastuurka, iyadoo kulamada labada Aqal ee baarlamaanka, oo horey buuq badan uga dhashay laga joojiyay xildhibaannada mucaaradka, kuwaas oo diidan sida guddoonku wax u wado.

Si kastaba, sii socoshada wax ka beddelka dastuurka ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee dalka, xilli la filayay in magaalada Muqdisho ay ka qabsoomaan wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News