28 C
Mogadishu
Monday, April 27, 2026

Soomaaliya oo ka qeyb ka ah bandhigga difaaca adduunka + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Riyaad (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb-gashay furitaanka bandhigga Difaaca Adduunka (World Defense Show) 2026 oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Riyaad ayaa Soomaaliya uga qeyb-galay bandhigan.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah wafdiga Soomaaliya, Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil iyo Taliyaha Ciidamada Boosliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullahi.

Bandhiggan oo ah kii saddexaad, ayaa socon doona 8 ilaa 12 Febraayo 2026, waxaana ka qayb-galaya wufuud caalami ah, hay’ado dowladeed iyo shirkado ku takhasusay warshadaha difaaca iyo amniga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa inta ku sugan yahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaa uu saxiixi doonaa heshiis difaac oo u dhexeeya labada dal.

Ka qayb-galka wafdiga Soomaaliya ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga difaaca, is-weydaarsiga khibradaha iyo la socodka tiknoolajiyada casriga ah ee amniga iyo warshadaha militariga.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo culus oo ay ku doonayso in iskaashi amni oo qoto dheer kula yeelato dalalka Sacuudiga iyo Masar, gaar ahaan ilaalinta marinka istiraatiijiga ah ee Badda Cas, taas oo ah jawaab istiraatiiji oo laga bixinayo go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Muqdisho ayaa raadinaysa “qaab-dhismeed waara” oo ay la yeelato Riyaad iyo Qaahira si loo ilaaliyo amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, loona adkeeyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya xilli ay sii kordhayaan faragelinta awoodaha shisheeye ee Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News