Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa daah-furay Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka.
Shirkaweynahan ayaa sannadkan diiradda lagu saarayo dib-u-habaynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalka, horumarinta manhajka, kobcinta xirfadaha macallimiinta iyo ballaarinta fursadaha waxbarasho ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda furitaanka, ayaa adkeeyey muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay dalkeenna, isaga oo tilmaamay in ay laf-dhabar u tahay horumarka dhaqaale, bulsho iyo amniga dalka.
Waxa uu xusay in xukuumadda Dan-Qaran ay mudnaan gaar ah siisay maalgelinta waxbarashada, xirfadda macallimiinta iyo manhajka guud ee dalka, si loo helo nidaam tayo leh, hufan, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha casriga ah ee tacliinta.
“Xukuumadda Dan-Qaran wax ay hirgalisay tababbarro joogto ah oo la siinayo barayaasha dalka iyo nidaamyo lagu qiimeynayo tayada macallinka, si loo helo barayaal ku hubaysan aqoon, karti iyo anshaxa waxbarasho ee dalka, waxaannu xoojinay mideynta manhajka waxbarashada laga bilaabo dugsiga hoose ilaa tacliinta sare, si ardayda Soomaaliyeed u helaan aqoon tayo leh, isku dheelli tiran, una dhiganta heerarka caalamiga ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.
Waxa uu intaas kusii daray: “Tallaabooyinkaasi waxa ay muujinayaan sida ay Xukuumadda uga go’antahay dhismaha nidaam waxbarasho oo ka qeyb qaata horumarka iyo dib-u-dhiska Qaranka.”
Mudane Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya ay samaysay horumar la taaban karo oo ku aaddan dib-u-dhiska nidaamka waxbarashada iyada oo Xukuumaddu ay hirgalisay shuruuc, siyaasado iyo habraacyo muhiim u ah waxbrashada sida: xeerka waxbarashada siyaasadda qaran ee waxbarashada iyo istaraatiijiyadda horumarinta waxbarashada, kuwaas oo saldhig u ah baahida tacliinta, tayeynta iyo xoojinta nidaamka maamulka waxbarashada.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay madaxdii kasoo qayb-gashay shirweynahan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista Jamhuuriyadda Jabuuti, Nabiil Maxamed Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo qeyb ka ah bahda waxbarashada.
Si kastaba, shirka oo hal-ku-dhiggiisu yahay sannadkan “hiigsi toosan iyo horumar tayeysan” ayaa lagu qiimeynaya waxyaabaha ka qabsoomay qorshihii sannadkii hore, dib-u-eegista dhexe ee heshiiska iskaashiga Soomaaliya (Partnership Compact) oo qeyb muhiim ah ka ah maalgalinta hey’adaha iskaashiga caalamiga ah ee waxbarashada (GPE), iyada oo lagu qiimeynayo isla-xisaabtanka dowladda iyo bah-wadaagta waxbarashada.














