Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo haatan kulankoodii caadiga ahaa ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa sii wada doodooda ku aadan wax ka beddalka Dastuurka kumeel gaarka ah, xilli ay weli ka taagan tahay xiisad culus.
Baaralamaanka ayaa maanta qorsheynayo inuu soo gabagabeeyo doodda cutubka 5aad oo ka hadlaya Nidaamka Federaalka iyo Baahdanaanta Awoodda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Labada Gole ee Baarlamaanka aya Isniintii sidaan oo kale usoo gabagabeeyay doodooda ku aadan cutubka afaraad, gaar ahaan soo jeedinta wax ka beddalka qodobbada 49aad, 50aad iyo 54aad.
Arrintan ayaa uga sii dareysa xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan, maadaama Baarlamaanku sii wado wax ka beddalka Dastuurka oo ay si weyn u diidan yihiin madaxda maamullada Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.
Waxaa kale oo arrintan ay kusoo aadeysaa, iyada oo haatan la filayo in madaxda dowladda iyo Golaha Mustaqbalka ay ka shiraan xaaladda taagan, si heshiis looga gaaro is mari-waaga siyaasadeed ee ka jira dalka.
Ajendaha shirkan oo berri wixi ka dambeeya furmi doono ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.
Wakiillada beesha caalamka oo dhankooda dhinacyada cadaadis ku saaray sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa, ayaa muujinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo is-afgarad looga gaaro shirka
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana dib u dhacay wada-hadalladii la filayay inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka oo qorshuhu ahaa in heshiis ay ku garaan labada dhinac.

