Muqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid maraakiibta dagaalka Turkiga oo lagu magacaabo TCG SANCAKTAR ayaa maanta soo gaaray xeebaha Soomaaliya, wuxuuna hordhac u yahay maraakiib kale oo kusoo wajahan dalka.
Markabkan ayaa maanta lagu soo dhaweeyay xeebaha magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale booqasho ku tegay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga iyo tAliska Ciidanka Xooggq Dalka Soomaaliyeed oo ka qayb-galay soo dhaweynta markabka dagaalka ee Turkiga.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa fuulay dusha sare ee markabkan, waxaana sidoo kale ku wehliyay Wasiiru-Dowlaha Dakadaha iyo Gaadiidka Badda, Kaaliyaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Turkiga.
Booqashadan iyo soo-dhaweynta maraakiibta dagaalka Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli Dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha, tayeynta, iyo qalabaynta Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha (CXD), si loo xoojiyo amniga badda loogana hortago khataraha amni ee ka imaan kara marinnada badda.
Sidoo kale, booqashadani waxay muujinaysaa iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga badda iyo horumarinta awooda Ciidanka Badda Soomaaliyeed.
Ankara ayaa maalmihii dambe dalka keenaysay nidaamkan difaaca, iyadoo dhawaan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ay kasoo degtay diyaarad xamuul millatari oo nooca Airbus A400M Atlas ah.
Diyaaraddaas oo ay lahaayeen ciidamada cirka Turkiga ayaa ka soo kacday saldhigga cirka ee Kayseri Erkilet ee Turkiga, waxaana la rumeysan yahay in imaanshaheedu la xiriiri karo iskaashi milatari oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16.
Sidoo kale, Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada-shaqeynta milatari ee labada dhinac.
Si kastaba, Dowladda Turkiga ayaa dhawaan xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo haatan maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka.


