27.9 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Macdanta Soomaaliya oo la iibgeynayo: DF iyo maalgashadayaal caalami ah oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay maalgashadayaal caalami ah.

Kulankan ayaa ka dhacay magaalada Cape Town, xilli Wasiir Daahir uu ka qayb-galayay Shirka Maalgashiga Macdanta Afrika, waxaana qeyb ka ahaa madax ka socotay Empire Investment Bank iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ee dalka Koonfur Afrika, President Adv. Mtho Xulu.

Empire Investment Bank oo ah bangi caalami ah oo maalgelin ku sameeya shirkadaha ka shaqeeya macdanta ayaa xaruntiisu tahay dalka Shiinaha.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Daahir Shire Maxamed ayaa madaxda ka socotay bangiga iyo rugta ganacsiga si faah-faahsan ugu soo bandhigay macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya hodanka ku tahay.

Madaxdaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay warbixinta qotada dheer ee uu Wasiirku bixiyay, iyaga oo muujiyay xiisaha ay u qabaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka.

Sidoo kale, madaxda bangiga iyo Madaxweynaha Rugta Ganacsiga ayaa qiray in Soomaaliya ay leedahay khayraad macdan iyo mid badeed oo ballaaran, isla markaana ay muhiim tahay horumarinta iyo sare u qaadidda maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah ee gobolka.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyo is-afgarad, iyadoo lagu heshiiyay in kulanka xiga uu ka qabsoomo gudaha Soomaaliya, si loo sii dardargeliyo wadahadallada la xiriira maalgashiga macdanta.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Ambassador Maxamed Sheekh Isxaaq.

- Advertisement -

Read more

Local News