Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa dib u dhigay booqasho rasmi ah oo uu qorsheynayay inuu ku tago dalka Imaaraadka Carabta, kadib markii la shaaciyay in Madaxweynaha Imaaraadka, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, uu wajahayo “xaalad caafimaad.”
Madaxtooyada Turkiga ayaa warkan xaqiijisay Axadda, iyadoo sheegtay in go’aankan la qaatay kadib wada-hadal dhanka taleefonka ah oo dhex maray labada hoggaamiye.
Intii uu socday wada-hadalka, Erdogan ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladda lasoo deristay dhiggiisa, oo loo yaqaan MBZ, isagoo u rajeeyay soo kabasho degdeg ah, sida ay sheegtay madaxtooyada.
“Madaxweyne Erdogan wuxuu caddeeyay inuu booqashada dib u dhigay sababo la xiriira xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Al Nahyan, wuxuuna xaqiijiyay inuu safarkaas ku tegi doono waqti kale oo ku habboon,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Turkiga.
Warbixinta laguma faahfaahin nooca xanuunka ama xaaladda caafimaad ee haysata hoggaamiyaha Imaaraadka, mana la cayimin waqtiga rasmiga ah ee safarka dib loo qorsheeyay. Dowladda Imaaraadka wax war ah kama soo saarin arrintan.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli Ankara iyo Abu Dhabi ay isku dayayaan in ay xoojinayaan xiriirkooda kadib sanado badan oo ay ka dhex aloosnayd xurguf siyaasadeed iyo loolan goboleed, inkasta oo weli ay isku khilaafsan yihiin arrimaha qaar.
Tobankii sano ee lasoo dhaafay, labada quwadood ee gobolka ayaa kala taageerayay dhinacyo iska soo horjeeda colaadaha Bariga Dhexe, oo ay kamid yihiin dagaallada sokeeye ee Liibiya, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo go’doomintii diblomaasiyadeed ee la saaray dalka Qadar.
Khilaafkaas ayaa salka ku hayay kala-aragti duwanaansho dhanka fikirka ah oo ku aaddanaa Kacdoonkii Gu’ga Carabta iyo taageerada Turkiga ee dhaq-dhaqaaqyada Islaamiyiinta, taasoo Imaaraadku u arkayay khatar ku ah xasiloonida gobolka.
Si kastaba ha ahaatee, dabeylo diblomaasiyadeed oo cusub ayaa billowday sanadkii 2021, markaasoo Turkigu uu bilaabay dadaallo ballaaran oo uu ku hagaajinayo xiriirka waddamada Khaliijka, oo uu ku jiro Sacuudiga, si uu u helo maalgashi shisheeye oo lagu kabo dhaqaalaha dalkaas oo la daalaa-dhacayay sicir-barar iyo hoos u dhaca lacagta Lira-da.
Tan iyo xilligaas, labada dal ayaa si xowli ah u soo celiyay iskaashigooda. Sheikh Mohammed ayaa booqday Ankara dhammaadkii 2021, isagoo kormeeray saxiixa heshiisyo maalgashi oo qiimahoodu gaarayo balaayiin doollar. Erdogan ayaa isna booqasho taariikhi ah ku tagay Imaaraadka bishii Febraayo 2022, taasoo ahayd tii ugu horreysay muddo ku dhow toban sano.
Labada dowladood ayaa dhowaan dhaqan-geliyay heshiis iskaashi dhaqaale oo dhameystiran (CEPA), kaasoo ujeedkiisu yahay in ganacsiga labada dhinac la gaarsiiyo $40 bilyan shanta sano ee soo socota.
Safarka haatan baaqday ayaa la filayay in diiradda lagu saaro ballaarinta iskaashiga dhinacyada tignoolajiyadda gaashaandhigga, tamarta, iyo saadka, iyadoo labada dhinac ay doonayaan inay sii qoto-dheereeyaan iskaashigooda istiraatiijiyadeed iyo kan dhaqaale.

