30 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Dagaal laga cabsi qabo inuu Masar iyo Israel ku dhex maro Soomaaliya kadib markii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Warbaahinta Israa’iil ayaa baahisay qiimeyn dhinaca amniga ah oo ka digaysa in xiisadda u dhaxaysa Masar iyo Israa’iil ee Geeska Afrika ay gaartay meel xasaasi ah, taasoo kordhinaysa cabsida laga qabo in gacan-ka-hadal milateri oo dadban ama mid toos ah uu labada dal ku dhex maro ciidda dalka Soomaaliya.

Shabakadda wararka ee ku hadasha afka Cibraaniga ee Natsiv Net ayaa werisay in dhacdooyinkii is-xigay ee ilaa bishan Febraayo 2026 ay muujinayaan xifaaltan xooggan oo u dhexeeya Qaahira iyo Tel Aviv, kaas oo salka ku haya faragelintooda sii kordheysa ee arrimaha siyaasadda iyo amniga ee Soomaaliya.

Sida warbixinta lagu xusay, go’aankii muranka dhaliyay ee ay Israa’iil dhowaan qaadatay ayaa noqday barta isbeddelka. 26-kii bishii Diseembar 2025, Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada gobolka gooni-isu-taagga ku dhawaaqay ee Somaliland, tallaabadaas oo ay si kulul u cambaareeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalka Masar.

Shabakadda ayaa sheegtay in Qaahira ay aqoonsigaas u aragto mid si qaawan ugu xadgudbaya madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana ah isku-day ay Israa’iil ku doonayso inay saldhig istiraatiiji ah uga sameysato marinka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Daabulaad ciidan iyo dhoolatus milatari

Si ay tallaabadaas uga jawaabto, warbixintu waxay sheegtay in Masar ay dar-dargelisay daabulidda ciidamadeeda ee gudaha Soomaaliya, waxaana la qiyaasayaa in ilaa 10,000 oo askari oo Masaari ah qaar la geeyay dalka, qaar Kalena ay ku wajahan yihiin.

Ciidamadan ayaa qaarkood waxay qayb ka yihiin howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Midowga Afrika, halka kuwa kalena ay ku joogaan heshiis difaac oo laba-geesood ah oo ay si toos ah ula galeen xukuumadda Muqdisho.

11-kii bishan Febraayo 2026, Masar ayaa dhoolatus milateri oo ballaaran ku qabatay magaalada Qaahira, kaas oo uu marti-sharaf ku ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Warbixinta Israa’iiliyiinta ayaa dhoolatuskaas ku sifeysay “farriin culeyskeeda leh oo is-muujin ah,” taas oo si toos ah ugu wajahan Israa’iil iyo dalka deriska la ah Soomaaliya ee Itoobiya.

Masar ayaa horey u shaacisay inay si buuxda u diiddan tahay aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland, iyadoo ku tilmaamtay mid si toos ah u khatar gelinaya amnigeeda qaranka iyo badqabka isku-socodka ganacsiga badda ee marinka istiraatiijiga ah ee Badda Cas.

Inkastoo aysan jirin mas’uuliyiin Masaari ama Israa’iiliyiin ah oo si fagaare ah u sheegay inay isu diyaarinayaan dagaal toos ah, haddana warbixintan ayaa si dhab ah u iftiiminaysa xasaasiyadda gobolka iyo sida loolanka awoodaha shisheeye uu mar kale Geeska Afrika uga dhigayo fagaare lagu hardamo. 

- Advertisement -

Read more

Local News