Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta loo ballansanaa inuu ka qabsoomo Villa Soomaaliya ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa baaqday, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Wada-hadallada ayaa dib loo sii amba-qaadi doona maalinta berri ah, iyadoo maanta kulamo gaar gaar ah ay labada dhinac ka wadaan magaalada Muqdisho.
Kulamadan ayaa la sheegay in dhinac walba uu gaarkii uga arrinsanayo qodobada muhiimka ah ee diiradda lagu saarayo wareegga soo socda ee wada-hadallada, si dhinac weliba uu usii xoojisto ajendaha u la shir tagayo.
Xalay, Madaxda Golaha Mustaqbalka oo shir muhiim ah ku yeeshay gudaha Xalane ayaa isku raacay in shirka berri loo ballamay ee Villa Soomaaliya ay u diraan Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore, Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaan Cabdullaahi Carab
Xubnahan ayaa qorshuhu yahay inay si gaar ah ula xaajoodaan Madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo meesha ka saaraysa in xubno kale oo ka tirsan dowladda ay qeyb ka noqdaan shirka berri.
Shirka berri ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gaar ahaan maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle oo muddo dhaaf ku fadhiya kuraasta.
Mucaaradka ayaa doonaya in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ay doorbideyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.
Waxaa la filayaa in berri la kala caddeeyo nooca doorasho ee laga qaban doono maamul-goboleedyada waqtigoodu dhammaaday.
Madaxda labada dhinac ayaa shalay isku afgartay sii wadista wada-hadallada, si xal looga gaaro kala aragti duwanaanshaha jira, kaasi oo salka ku haya hanaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.
Shirkan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo ayaa waxaa si dhow ula socda Beesha Caalamka, oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.

