29.1 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Soomaaliya ma damaanad dibadeed ayay u baahan tahay si ay u difaacdo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya aysan u baahnayn dammaanad ka timaada dibadda, si ay u difaacato midnimadeeda iyo xuduudaheeda.

Arrintan ayuu wasiirku sheegay, kaddib markii wax laga weydiiyay in dowladdu ay ku kalsoon tahay in dalal kale aysan aqoonsan doonin Somaliland kaddib talaabada ay qaadday Israel.

Wasiir Dhaay ayaa sheegay in dunida maanta aanay jirin wax dammaanad ah oo la isku halayn karo, maaddaama xaaladda caalamku tahay mid isbedbeddelaysa, sidaas darteedna Soomaaliya ku kalsoon tahay mowqifkeeda sharci iyo dadaalka ay ugu jirto difaaca qaranimadeeda.

“Waxaan si buuxda uga hortagi doona wax kasta oo aan u aragno aqoonsi sharci-darro ah oo ka dhan ah waqooyiga Soomaaliya. Cid aan ka sugayno dammaanad si aan u difaacno qarannimadeenna ma jirto,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu xusay in dowladda mar walba diyaar u tahay inay beesha caalamka u bandhigto xaqiiqada la xiriirta taariikhda, xuduudaha iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Wasiir Dhaay ayaa waxa kale uu muujiyay in dowladda Soomaaliya ay doorbideyso in mowqifkeeda si nabad ah oo ku dhisan sharci loogu bandhigo caalamka.

“Soomaaliya waxay leedahay dadkeeda, sidaas darteedna iyada difaacan doonta jiritaankeeda iyo midnimadeeda,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka.

Hadalkan ayaa imanaya xilli Dowladda Federaalka ay dagaal diblumaasiyadeed adag ka gashay aqoonsiga Israel ay sheegtay inay siisay maamulka Somaliland, iyadoo ku tilmaamtay sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Dalal badan oo kamid yahay Mareykanka ayaa si adag uga horyimid aqoonsigan, isagoo si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, isbahaysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

Waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumeysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii la soo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.

- Advertisement -

Read more

Local News