Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino hordhac ah ayaa ka soo baxaya qarax saaka aroortii ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada ayaa la sheegay inuu ka yimid gaari la shaaciyey inuu leeyahay sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya.
Gaariga sarkaalka ayaa loo badinayaa in lagu xiray walxaha qarxa, inkastoo aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka ee Muqdisho.
Weli lama soo warin khasaare uu geystay qaraxu, waxaana la sheegaya in xilliga uu dhacayay uusan gaariga la socon sarkaalka iska lahaa, kaas oo magaciisa lagu sheegay Jeneraal Cabdirisaaq Afgaduud, kana tirsan hoggaanka caafimaadka ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Qaraxa kadib, waxaa goobta gaaray ciidamada ammaanka, kuwaas oo markiiba guda galay baaritaanka qaraxa, kaas oo imanaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyey.
Booliska ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faahfaahin ka bixiyaan qaraxan oo saaka qalqal geliyey shacabka caasimadda, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey ka nastay dhawaaqa qaraxyada.
Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa dadaal badan ku bixiyey xaqiijinta ammaanka caasimadda, iyadoo Muqdisho haatan ay martigelinayso wada-hadallo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka.

