28.9 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Donald Trump oo hanjabad culus u diray Iiraan haddii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta soo saaray digniin cusub oo uu diray Iiraan, waa haddii ay isku deydo in ay weerar ku qaaddo Mareykanka iyo Israa’iil oo Sabtidii duqeeyay caasimadda Tehraan, kadibna dilay hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Aayatulaahi Cali Khamenei.

Trump ayaa qoraal uu ku daanacay madal uu ku leeyahay Truth Social, ku yiri “Iiraan waxa ay sheegtay in ay maanta si aad ah u weerari doonto, si ka sii adag intii ay hore u garaacday.

“Waxaa u roon inaysan saas sameyn, si kastaba ha ahaatee, haddii ay sameeyaan waxaan ku dhufan doonaa awood aan hore loo arag” ayuu ku hanjabay madaxweynaha Mareykanka.

Bayaankan ayaa yimid ka dib markii Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ay uga digeen inay weerari doonaan fadhiisimada Maraykanka iyo Israa’iil iyagoo ka aargudanaya dhimashada Khamenei.

“Hawlgalkii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara taariikhda ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxa uu daqiiqado gudaheed ku bilaaban doonaa dhanka dhulka la haysto iyo saldhigyada argagixisada Mareykanka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Saacado ka hor xaqiijinta Tehran ee dilka Cali Khamenei , madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khaarajinta hoggaamiyaha ku tilmaamay “fursaddii ugu weyneyd” oo ay shacabka Iiraan dib ugu soo ceshan karaan dalkooda.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Trump ku yiri, “Khamenei, oo ka mid ahaa dadkii ugu sharta badnaa taariikhda, waa dhintay.”

Wuxuu sidoo kale bixiyay digniin culus oo ku aaddan in duqeymo joogto ah oo bartilmaameed sax ah leh ay sii socon doonaan inta lagu jiro toddobaadkan iyo wixii ka dambeeyaba, ololehan oo uu Mareykanku ugu qiil-dayay inuu lagama maarmaan u yahay curyaaminta awoodda nukliyeerka ee Tehran.

Khaarajinta Khamenei waa weerarkii labaad ee maamulka Trump uu ku qaado Iiraan muddo siddeed bilood gudahood ah, isaga oo si lama huraan ah u abuuri doono firaaq hoggaamineed oo qoto dheer

Si kastaba, Weerarkan ayaa daaha ka rogaya weji cusub oo layaab leh oo ku saabsan faragelinta tooska ah ee Mareykanka ee Iiraan, wuxuuna xambaarsan yahay khatar aargoosi iyo inuu qarxo dagaal baahsan.

Tallaabadan ayaa sidoo kale muujinaysa muruq-tuur militari oo aan horay loo arag oo ka yimid madaxweyne ku ololeeyay hal-ku-dhegga “Mareykanka ayaa mudnaanta koowaad leh” isla markaana wacad ku maray inuu dalkiisa ka saarayo dagaallada aan dhammaadka lahayn.

- Advertisement -

Read more

Local News