28.9 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Axmed Madobe oo u yeeray xildhibaanada maamulkiisa ku metala BF Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta soo saaray bayaan ayaa u yeeray xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ku metalaya maamulkaasi, isaga oo labada bishan ku casuumay shir ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in xildhibaannada lala sameyn doono wada-tashi ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, maadaama ay fashilmeen wada-hadalladii Villa Soomaaliya.

Xildhibaannada iyo Senatorrada laga soo doorto deegaannada Jubbaland ayaa durbo aqbalay martiqaadka Axmed Madoobe, waxaana qaarkood ay maanta u baxeen magaalada Kismaayo oo uu ka dhici doono shirka loogu yeeray.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka Madaxweynaha Dowladda Jubaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ee ku aaddan qabashada kulan wadatashi ah oo uu la yeelanayo Xildhibaannada Labada Aqal ee ku matala Jubaland Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayay Senator Maryan Kaahin oo soo dhaweysay casuumadda uu u fidiyay madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale, waxa ay sii raacisay “Tallaabadan ayaa waxaa waxay muujinaysaa muhiimadda wada tashiga, isku-duubnida iyo xoojinta wada shaqeynta si loo ilaaliyo loona hormariyo danaha shacabka Jubaland iyo kuwa qarankaba”.

Dhinaca kale, waxaa iyana maanta magaalada Muqdisho ka baxay qaar kamid ah xildhibaannada laga soo doorto Puntland gaar ahaan kuwan aan ku jirin golaha Xukuumadda, waxayna iska xaadiriin magaalada Garoowe, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa magaalada Muqdisho isaga tegay, kadib maaalmo wada-hadal ah oo ay kula jireen madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana ugu dambeyn fashil kusoo dhamaaday wada-hadaladii labada dhinac.

- Advertisement -

Read more

Local News