29.8 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

War ka cusub markab kalluumaysi oo Shiinaha looga afduubtay xeebaha Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Markab kalluumeysi oo Shiinees ah oo dhawaan lagu afduubtay xeebaha maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa la sii daayay.

Markabkan oo ay afduubteen koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa lagu haystay xeebaha deegaannada dowlad-goboleedka Puntland, balse ugu dambeyn waa la sii daayay isaga iyo shaqaalihii la socday.

Sida ay sheegtay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, sii deynta markabka ayaa timid kadib dadaallo wadajir ah oo ay sameeyeen Dowladda Shiinaha, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

“Shiinaha ayaa xiriir joogta ah la sameeyay Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Puntland, waxaa ugu dambayn mira-dhalay wada-hadalkaas oo la isku fahmay sii daynta Markabka iyo shaqaalaha la socday,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay safaaradda Shiinaha.

Lama shaacin in madax furasho laga bixiyay markabkan, sida horey u dhacday, oo malaayiin dollar la siiyo kooxaha burcad-badeedda ee qafaasha maraakiibta.

Dhinaca kale, Dowladda Shiinaha si adag ayay u cambaareysay falkan gurracan ee halista geliyey badqabka shaqaalaha iyo amniga maraakiibta caalamiga ah.

Waxay sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta iyo shirkadaha Shiinaha ee dibadda, isla markaana ay la shaqeyn doonto dhinacyada ay khusayso si loo xoojiyo amniga badaha.

Soomaaliya ayaa dhankeeda xaqiijisay inay muhiimad gaar ah siinayso arrimaha amniga ee uu ka walaacsan yahay dhinaca Shiinaha, isla markaana uu diyaar u yahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac ee faa’iidada u leh labada shacab, gaar ahaan dhinaca kalluumeysiga oo wax weyn ka tara dhaqaalaha.

Ugu dambeyntii, Dowladda Shiinaha ayaa ballan-qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonto Dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo kala duwan leh, loona sii adkeeyo saaxiibtinimada soo jireenka ah, si loo gaaro horumar dheeraad ah oo ku saabsan iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

Hoos ka aqriso bayaanka Shiinaha

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha

Dhawaan, markab kalluumeysi oo laga leeyahay Shiinaha ayaa koox hubeysan ku afduubtay biyaha ka baxsan xeebaha Puntland, Soomaaliya. Kadib dadaallo joogto ah oo ay sameeyeen dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso, markabka iyo shaqaalihiisa waxaa si nabad ah loo soo badbaadiyey 2-da Maarso.

Dowladda Shiinaha si adag ayay u cambaareysay falkan gurracan ee halista geliyey badqabka shaqaalaha iyo amniga maraakiibta caalamiga ah.

Waxay sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo ilaaliyo xuquuqda sharciga ah ee muwaadiniinta iyo shirkadaha Shiinaha ee dibadda, isla markaana ay la shaqeyn doonto dhinacyada ay khusayso si loo xoojiyo amniga badaha.

Intii ay dhacdadani socotay, dhinaca Shiinaha wuxuu waday wadatashi iyo iskaashi dhow oo uu la yeeshay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in maraakiibta kalluumeysiga Shiinaha ay ka howlgalayeen biyaha Soomaaliya iyagoo haysta oggolaansho rasmi ah oo ka yimid Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada la xiriira, isla markaana howlaha ay wadaan ay waafaqsan yihiin shuruucda iyo xeerarka dalka.

Sidoo kale, dhinaca Soomaaliya wuxuu muujiyey inuu muhiimad gaar ah siinayo arrimaha amniga ee uu ka walaacsan yahay dhinaca Shiinaha, isla markaana uu diyaar u yahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac ee faa’iidada u leh labada shacab, gaar ahaan dhinaca kalluumeysiga oo wax weyn ka tara dhaqaalaha.

Shiinaha iyo Soomaaliya waxay leeyihiin saaxiibtinimo soo jireen ah oo qoto dheer. Isku day kasta oo lagu wiiqayo ama lagu carqaladeynayo iskaashiga labada dal waa mid aan miro dhalayn.

Dowladda Shiinaha waxay sii wadi doontaa inay si dhow ula shaqeyso Dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo kala duwan leh, loona sii adkeeyo saaxiibtinimada soo jireenka ah, si loo gaaro horumar dheeraad ah oo ku saabsan iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.

- Advertisement -

Read more

Local News