31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Soomaalida Mareykanka oo maxkamad la koray Trump

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boston (Caasimada Online) — U doodayaasha xuquuqda soo-galootiga ayaa maalintii Isniinta dacwad rasmi ah u gudbiyay maxkamad, iyagoo doonaya inay is-hortaag ku sameeyaan qorshaha maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu toddobaadka soo socda ku doonayo inuu meesha uga saaro sharciga magangalyada ee oggolaanaya in ku dhowaad 1,100 Soomaali ah ay si sharci ah ugu noolaadaan, ugana shaqeystaan Mareykanka.

Dacwaddan oo ay si wadajir ah u gudbiyeen afar qof oo muwaadiniin Soomaali ah iyo laba hay’adood oo u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa si toos ah uga hor-imaneysa go’aanka Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) ay ku baabi’inayso sharciga Badbaadada Kumeel-gaarka ah (TPS) ee la siiyo soo-galootiga Soomaaliyeed, kuwaas oo Madaxweyne Trump uu fagaareyaal dhowr ah si weyn ugu ceebeeyay, hadallo xanaf lehna ku duray.

Xoghayaha xilka ka degaysa ee Waaxda Amniga Gudaha, Kristi Noem, ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqday in sharciga TPS-ka ee Soomaalida la joojin doono 17-ka bishan Maarso, iyadoo ku dooday in xaaladda dalka Soomaaliya ay soo hagaagtay, in kasta oo ay wali gobollada dalka ka socdaan dagaallo dhiig badan uu ku daatay oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Dacwoodayaasha, oo ay ka mid yihiin ururrada African Communities Together iyo Partnership for the Advancement of New Americans, ayaa dacwaddooda oo ay geeyeen maxkamad federaal ah oo ku taalla magaalada Boston, waxay ku doodayaan in tallaabadani ay tahay mid habraaceeda sharciga ah laga leexday, isla markaana salka ku haysa ajande midabtakoor iyo cunsurinimo ah oo horay loo sii qorsheeyay.

Qoraalka dacwadda ayaa daliil ahaan u soo qaatay hadallo is-daba-joog ah oo uu horay u jeediyay Madaxweyne Trump, kuwaas oo uu Soomaalida ugu sifeeyay inay yihiin “qashin” iyo “dad garaadkoodu aad u hooseeyo” oo aan “waxba ku soo kordhinayn” bulshada Mareykanka.

Dacwoodayaasha ayaa aaminsan in maamulku uu u joojinayo TPS-ka Soomaaliya iyo dalalka kale nacayb iyo eex ka baxsan dastuurka oo ka dhan ah soo-galootiga aan caddaanka ahayn, balse uusan go’aankan ku salayn qiimeyn dhab ah iyo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dalalkaas.

“Joojinta sharciga TPS ee Soomaaliya waa cunsurinimo wejiga soo gashatay siyaasadda socdaalka,” ayuu yiri Cumar Faarax, oo ah agaasimaha fulinta ee kooxda qareennada difaaca xuquuqda Muslimiinta ee Muslim Advocates, oo war-saxaafadeed soo saaray.

Ilaa iyo haatan, Waaxda Amniga Gudaha ee DHS kama aysan jawaabin codsiyo loo diray si ay eedeymahan uga hadlaan. Si kastaba ha ahaatee, waaxda ayaa horay ugu dooday in sharciga TPS aan marnaba loogu talagelin inuu noqdo barnaamij cafis oo joogto ah.

Sharciga TPS ayaa ah nooc ka mid ah badbaadinta socdaalka ee dhanka bani’aadannimada, kaas oo ka ilaaliya dadka u qalma in dalka laga musaafuriyo, una oggolaada inay si sharci ah u shaqeystaan. Intii ay xilka haysay Noem, DHS waxay qaadday tallaabooyin ay ku joojinayso TPS-ka dalal dhowr ah, arrintaas oo horseedday caqabado iyo dacwado sharciyeed oo dowladda lagu furay.

Maamulka ayaa Sabtidii ku dhawaaqay qorshe uu racfaan uga qaadanayo Maxkamadda Sare ee Mareykanka si uu u soo afjaro sharcigan oo ay ku joogaan in ka badan 350,000 oo qof oo u dhashay dalka Haiti. Sidoo kale, waxay doonayaan in maxkamadda ugu sarraysa dalka ay u oggolaato inay joojiyaan magangalyada TPS-ka ee ilaa 6,000 oo qof oo u dhashay Suuriya.

Beegsiga Soomaalida

Dalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay lagu soo daray liiska dalalka la siiyo sharciga TPS sanadkii 1991-kii, iyadoo markii ugu dambeysayna waqtiga loo kordhiyay sanadkii 2024-ka. Qiyaastii 1,082 qof oo Soomaali ah ayaa haatan si rasmi ah u haysta sharcigan, halka 1,383 kalena ay codsiyadoodu wali la sugayo, sida ay muujinayaan diiwaannada DHS.

Bilihii u dambeeyay, Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa noqday bartilmaameedka ugu weyn ee ololaha adag ee uu Trump ku qaaday soo-galootiga dalkaas. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa farta ku fiiqayay fadeexad la xiriirta khayaano, taas oo dad badan oo dambigaas lagu eedeeyay ay ka soo jeedaan jaaliyadda ballaaran ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkaas.

Maamulka Trump ayaa eedeymahan khayaanada ah u adeegsaday marmarsiinyo uu ku meel-mariyo olole bilooyin qaatay oo lagu fulinayay shuruucda adag ee socdaalka gudaha gobolka Minnesota oo ay maamulaan xisbiga Dimoqraadiga.

Intii uu ololahaas socday, in ka badan 3,000 oo ah wakiilada laanta socdaalka ee ICE ayaa lagu daadgureeyay, arrintaas oo kicisay dibadbaxyo xooggan, soona dedejisay in ciidamada federaalku ay toogasho ku dilaan laba muwaadin oo Mareykan ah.

Bishii Nofembar ee sanadkii hore, Trump ayaa si fagaare ah ugu dhawaaqay inuu meesha ka saarayo TPS-ka Soomaalida ku nool Minnesota, bil kadibna wuxuu ku goodiyay inuu doonayo in dadkaas dib loogu celiyo “halkii ay markii hore ka yimaadeen.”

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka (State Department) ayaa dhankeeda wali si adag uga digta in muwaadiniinta Mareykanku ay u safraan Soomaaliya, iyadoo sabab uga dhigaysa dambiyada, rabshadaha sokeeye, iyo khataro kale oo dhanka amniga ah.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News